Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hadlay Safar Uu Ku Tagay Gobalka Sanaag, Farriin Doorashada La Xidhiidhayna U Diray Taageerayaasha Xaqsoor

0
474

xasanHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay safar uu ku tagay gobalka Sanaag, halkaas oo uu kaga qayb galay maalintii u horaysay ee ololaha doorashada uu Xaqsoor u lahaa, waxaanu si weyn ugu mahadceliyay madaxda iyo taageerayaasha ururka ee gobalka Sanaag. Wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu Geeska Afrika la yeeshay.

Xasan Ciise, oo ka soo laabtay safarkaas, wuxuu sheegay inay madaxda iyo taageerayaasha Xaqsoor u muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay codkooda siiyaan murashixiinta ururka ee gobalkaas, “Sidaad ka war qabtaan urur siyaasadeedka Xaqsoor wuxuu ahaa ururkii u dambeeyay ee la diiwaangeliyay, waxaana arjigiisa la xareeyay 24-kii saacadood ee u dambeeyay ee ay guddiga diiwaangelintu u qabteen qabashada araajida ururada, haddana iyadoo ay sidaas tahay ururku wuxuu u muuqdaa inuu ka dheereeyay ururo badan.” Ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, waxaanu isagoo ka hadlaya safarkiisa Sanaag, uu yidhi  “Taageerayaal faro badan, madaxdii xaqsoor ee xafiisyada, xubnihii murashixiinta ahaa iyo taageerayaashooda ayaanu la wada kulanay oo badankoodu ahaa kuwo qabay yididiilo badan oo ay na geliyeen, waxaanay taageerayaasha Xaqsoor u muuqdaan kuwo diyaar u ah inay soo saaraan murashixiintooda iyo ururkaba.”

Xasan Ciise Jaamac, isagoo ka hadlaya xaaladda gobalka Sanaag, wuxuu yidhi  “Bulshada aanu soo  aragnay Xaaladoodu aad iyo aad ayay u fiicnayd, marka u horaysa raxmaadku aad ayuu u fiicnaa oo dhulka barwaaqada ayaa ku badnayd, shicibkuna waa shicib bislaaday oo nabadgelyada aad u ilaalinaya, midnimadooduna ay wanaagsantahay. Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa guud ahaan bulshada na soo dhawaysay, si gaar ahna waxaan ugu mahadcelinayaa madaxda iyo taageerayaasha Xaqsoor oo muujiyay awoodda ay gobalkaas ku leeyihiin.”  Wuxuu intaas ku daray inuu sidoo kale safar ku tagay magaalooyinka Xiis iyo Maydh ee gobalka Sanaag.

Xasan Ciise, waxa kale oo uu cambaareeyay dilkii dhawaan ka dhacay degmada Oog, oo uu sheegay inuu sidoo kale kaga hadlay khudbadiisii uu ka jeediyay Ceerigaabo, waxaanu falkaas ku tilmaamay mid fool xun.

Ugu dambayn Xasan Ciise, wuxuu  ururada siyaasada ugu baaqay inay doorashada uga qayb galaan hanaan cadaaladeed islamarkaana ay ku qancaan natiijada haddii ay doorashadu u dhacdo si xor iyo xalaal ah,  waxaanu isagoo farriin gaar ah u diraya taageerayaasha Xaqsoor uu yidhi , “Taageerayaasha Xaqsoor waxaan u dirayaa farriin muhiim ah oo ah inay u diyaar garoobaan doorashada goleyaasha deegaanka, inay awoodooda isugu geeyaan sidii ay riyadoodu ugu rumoobi lahayd ee uu ururka Xaqsoor u noqon lahaa xisbi qaran, waayo inuu Xaqsoor xisbi qaran noqdaa waxay u fiicantahay isu soo dhawaynta bulshada Somaliland iyo u xaqsoorkooda. Markaas waxaan taageerayaasha Xaqsoor iyo bulshada Somalilandba ugu baaqayaa inay codkooda la garab istaagaan ururka Xaqsoor.”