Guddigii Uu Madaxweyne Siilaanyo U Saaray KULMIYE Oo Soo Saartay Afar Qodob

0
497

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddigii ka koobnaa shanta xubnood ee uu Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u saaray hubinta liiska golaha dhexe ee KULMIYE, ayaa shalay saxaafadda la hadlay ka dib markii ay habeen hore Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen qodobada ay soo saareen. Guddigan oo kala ah wasiirka gaashaandhiga, xeer ilaaliyaha guud, guddoomiyaha hay’adda maamul wanaaga, agaasimaha maamulka iyo maaliyada ee hay’adda la dagaalanka AIDS-ka iyo agaasimaha Akademiyada, waxa hore u qaadacay murashixiinta saddexdanka ah oo sheegay inaanay ku kalsoonayn baadhistooda. Hase yeeshee guddiga ayaa haddana soo saaray afar qodob oo ay kaga dhex dhawaaqeen madaxtooyada, waxaanay qodobadu kala yihiin.

1.      In habayaraatii liiska asalka ah ee  241-ka ah ee golaha dhexe aanay magacyadooda iyo sawirradooda wax khalad ah iyo wax isdaba marin ah midna aanay ku jirin;

 2.       Waxa kale oo aanu go’aaminay in xildhibaan Maxamuud Ismaaciil Bade, Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise, XIldhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Ibraahin Maxamed Haybe, Wasiir Cali Sandulle iyo wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami oo xubno kale isku bedelay, maadaama la raacayo liiska golaha dhexe ee yaala xafiiska xeer ilaalinta, Komishanka…inay xubin waliba sideedii kaga mid ahaato golaha dhexe laguna bedeli karrin sidaasna ay shirka ku fadhiistaan kuna dhammaystaan, taas macnaheedu waxa weeye isku bedelkaas waanu diidnay.

 3.      Xubnaha kala ah Maxamed Axmed Aadan(Wali Xaawa), Maxamed Carraale Duur iyo sheikh Maxamuud Xirsi oo geeriyooday Alle ha u naxariistee in iyagana jagadoodu sidaas ku bannaanaato.

4.      In Xasan Nuur Abokor oo bedelay Cabdikariin Baande iyo Cabdillaahi Awdaan Maxamed oo bedelay Maxamed Yoonis Cawaale loo ogolaado inay ka qayb galaan shirka golaha dhexe, loona sameeyo kaadhadhka xubinnimada maadaama qaabka loo soo bedelay waafaqsan yahay xeerka xisbiga Kulmiye.