Murashixiinta Ku-xigeenada U Ah Hillary Iyo Donald Trump Oo Dood Iskaga Horyimid

0
574

Waxa habeen hore markii ugu horeysay dood fool ka fool ah yeeshay Murashaxiinta Maraykanka ee u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenka.

1

Murashaxiinta Madaxweyne kuxigeenka ee Dimuquraadiga Senator Tim Kaine iyo Jamhuuriga Maraykanka Governor Mike Pence ayey dhexmartay dood aad u kulul.

Senator Kaine ayaa weerar adag ku qaaday Murashaxa Jamhuuriga ee Donald Trump iyo aflagaadada uu u geystay dadyowga kala duwan isagoona ku cadaadiyey inuu arrimahaasi jawaab ka bixiyo kuxigeenkiisa Mike Pence.

Tim Kaine oo ah senator laga soo doorto gobolka Virginia iyo Mike Pence oo ah gudoomiyaha gobolka Indiana ayaa aad ugu kala duwanaa dhamaan qodobadi ay ka doodeen oo u badnaa arrimaha gudaha, marka laga reebo qodobka ah guul ka gaaridda xiriirka booliska iyo bulshada iyo yareynta rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadweynaha.

Kaine ayaa ku eedeeyey musharaxa xibiga jamhuuriga ee Donald Trump inaanu  dooneyn inuu soo bandhigo lacagaha canshuur celinta, taasoo ay dad badan oo taageersan xisbiga dimoqraadiga aaminsanyihiin inuu Trump bixiyey canshuur yar.

Balse Mike Pence oo isagu ah kuxigeenka Trump ayaa ah nin dooda yaqaan horena us oo ahaa suxufi ka hadlay idaacadaha ayaa si xirfadeysan uga gaabsaday inuu maro wadadii Donald Trump isagoona diirada saaray inuu dooda u jiheeyo dhanka ah inay iyagu yihiin isbedal doon, wuxuuna ku eedeeyey Hillary Clinton in ay ku fashilantay arrimaha siyaasada, isagoo tusaale usoo qaatay fadeexadii Emailada iyo Hay’ada Clinton Foundation.

Pence ayaa ku eedeeyey musharaxa xisbiga dimoqraadiga ee xilka madaxtinimada Hillary Clinton, in ay ciidamada boolisku ku tilmaantay kuwo aan cadaalad aheyn, hase yeeshee Kaine ayaa ka soo dhex galeyey hadalkiisa isaga oo yidhi arrinta booliska iyo bulshada waa arrin u baahan in laga doodo.

Ragga u tartamaya Madaxweyne kuxigeenka ayaa loo qorsheeyey inay yeeshaan Doodan oo kaliya, halka Murashaxiinta u tartameysa Madaxweynaha ee Hillary iyo Trump loo qorsheeyey sadex dood oo fool ka fool ah. Waxaana lagu wadaa in dooda 2aad ee Hillary iyo Trump ay yeeshaan Axada soo socota.