Siyaasi U Tartamaya Madaxweyne-xigeenka Waddani Oo Ka Hadlay Rajada Tartanka

0
543

Hargeysa (Geeska)-Dr Maxamed Cali Cabdi, oo ka mid ah Musharixiinta u taagan jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani, oo loolan adag loogu jiro, ayaa sheegay in aanu marnaba tanaasulayn ee uu hankiisu yahay sidii uu jagadaas ugu guulaysan.

1

Dr Maxamed Cali Cabdi oo Wargeyska Geeska Afrika u waramay ayaa sidoo kale soo dhaweeyey heshiiska Xisbiga Waddani iyo Isbahaysiga Waddani wada galeen, waxaanu sheegay inuu heshiiskani faa’iido badan leeyahay, waxaanu yidhi “Halgan iyo dabeecadiisa waa la iska yaqaana,waanu iska dhib badan yahay, balse wey iska hagaagi, Musharaxnimada aan isku soo taagay ee jagada Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga Waddani, waan u badheedhay oo qof walba han iyo himilo ayuu leeyahay, markaas hankaygu waa kaas ah in aan isa soo sharaxay, himiladayduna waa in aan ku guulaysto Musharaxnimada Madaxweyne ku xigeenka ILLAAHAY khayr buu ka dhigi doonaa”.

Mar aanu wax ka weydiinay inuu tanaasulayo iyo in kale ayaa ku jawaabay “Ma tanaasulayo, waxaana ALLE ka baryayaa inuu igu guuleeyo”.

Dr Maxamed Cali Cabdi oo ka hadlay Isbahaysiga iyo heshiiska ay la gadheen Waddani ayaa yidhi “Heshiiskan muddo badan baa la waday, waxaana laga filayaa inuu faa’iido badan yeesho, gacmo furan ayaana ku soo dhaweeynayaa Isbahaysiga”.