Murashaxii Lagaga Guulaystay Doorashadii Faransiiska Oo Markii Natiijada Ay Ogaatay Dhaqso U Tagtay Goob Lagu Jaaso Si Ay Isu Dhaafiso Murugada

0
618

Paris (Geeska)- Hoggaamiyaha Isbahaysiga Waddaniga ah ee dalka Faransiiska oo ahayd murashaxii siyaasadaha midigta xagjirka ah aaminsanayd ee toddobaadkii hore lagaga adkaaday doorashadii madaxnimada Faransiiska ayaa la sheegay in murugadii guuldarradeeda ay isku illowsiisay jaas iyo muusig.

Le Pen guul darro weyn kala kulantay wareeggii labaad ee doorashada madaxweynaha dalka Faransiiska, kadib markii siyaasiga 39 jirka ahaa ee aan xisbiyada la yaqaanno ku soo jirin Emmanuel Macron uu kaga adkaaday boqolkiiba 66 codadkii doorashada, sidaasna ku noqday madaxweynaha Faransiiska ee beddelay Francois Hollande. Marine Le Pen oo 48 sano jir ah ayaa markii warka guuldarradu soo gaadhay waxa ay xanuunnka jabka isku dhaafisay in ay tagto xaflad jaas oo ka socotay goob lagu cawaynayo, oo ay ka baxayeen heeso caan ka ah dalkaas.

Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo faafiyey warkan uu Geeska Afrika turjumay ayaa sida oo kale boggiisa internet ka ku faafiyey Fiidyow ay ka muuqato Marine Le Pen oo taagan masraxa si aad ahna u jaasaysa iyada oo weliba heesta baxaysda si cod dheer ah ula qaadaysa fannaanka. Le Pen oo ku labbisan toob madow iyo shaadh midabkiisu basali yahay, ayaa aan wejigeeda laga dareemayn wax murugo ah.

Marine Le Pen ayaa markii lagu dhawaaqay doorashadaba waxa ay talefan u dirtay Emmanuel Macron oo ay u tahniyadaysay guusha uu kaga adkaaday doorashada ee ka dhigtay madaxweynaha ugu da’da yare e Faransiiska u taliya tan iyo intii ka dambaysay madaxweyne Napoleon Bonaparte oo hoggaanka Faransiiska qabsaday iyada oo da’diisu 35 sano jir tahay.