Murashax Saacadda Oo Uu Eegay Iyo Mid Daal Uu La Neef-Tuuray Awgood Loogu Codayn Waayey: Kaalinta Ay Doodda Murashaxiinta Maraykan Ku Leedahay Guusha (3)

0
609

1Washington (Geeska)- Waa qormadii uu Geeska Afrika turjumay ee ay shabakadda wararka Al-Carabiya dabagalka iyo baadhista ku samaynaysay madaxweynayaasha Maraykan  ee doodda talefishanka ee ay la galeen raggii la tartamayey u noqotay fure ay ku furaan albaabka Guriga Cad, kadib markii codbixiyaha Maraykan uu ku qancay hadalka murashaxa, qiimayntiisuna siisay in uu yahay ruuxa ku habboon hoggaaminta dalka iyo kuwo hadalkii ay dooddan ka yidhaahdeen ama ficilkii laga arkay sabab u noqday in codka loo diido.

Quruxdii Kennedy siisay Guusha:

Sannadkii 1960kii waxaa soo shaac baxay xiddiga siyaasigii la jeclaa ee John F. Kennedy. 42 Jir quruxdiisa iyo qaab-dhismeedka jidhkiisu qayb libaax ka qaateen shacbiyaddiisa ayaa uu ahaa. Tan iyo markii uu dooddii koowaad ee tartanka doorashada madaxweynaha ee Maraykanka la galay murashaxii xisbiga Jamhuuria ee Richard Nixon sannadkii 1960kii waxa uu noqday mawduuca ugu xiisaha badan ee warbaahintu wanaaggiisa uun ka sheekayso.

John F. Kennedy oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha Odayaasha ee Maraykanka, laakiin murashaxnimadiisa ka hor aanay dadku aqoonin, waxa uu awooday in uu Malaayiinta cod bixiyeyaasha Maraykan ah ku qanciyo in uu dooddii ka adkaaday. Waxaa yaab leh in xiisaha loo qabay dooddan, oo weliba sababta xiisuhu  ahayd Kennedy dartii uun, ay daawanayeen 66 Milyan oo qof. Haddaba qiimaynta iyo dib u eegista lagu sameeyey doorashadii John F. Kennedy waxaa ka soo baxday in quruxdiisa iyo qaabka Alle u abuuray uu sababta koowaad ka ahaa doorashadiisa, isla markaana sababta koowaad ka ahaayeen in qiimayntii doodda isaga iyo ninka la tartamayey lagu sameeyey isaga la siiyo guusheeda. Waxa aanu Kennedy ka mid noqday madaxweynayaasha ugu caansan ee soo maray dalka Maraykanka.