Guddiga Diiwaangelinta Oo Qoraal Muhiim Ah Soo Saaray

0
749

ciyaalHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka, Cabdirisaaq Jaamac Cumar, ayaa cadeeyey in codadka uu xisbi/urur kastaa ka helo gobol kasta loo qiimayn doono si gaar ah iyadoo loo isticmaalayo nidaamka (ranking system), kuna salaysan sida xisbi/ururradu ugu kala sarreeyeen gobollada.

Mr, Cadirisaaq Jaamac Cumar, oo shalay soo saaray qoraal saxaafada loogu talo galay oo wargelin ahaa ayaa lagu bilaabay, “28 November 2012 waxa qabsoomaya doorashada Golayaasha Degaanka Jamhuuriyadda Somaliland, doorashadani waxay saldhig u tahay hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland.

Somaliland waxay qabsatay doorashooyin kala duwan, kuwaas oo u dhacay si nabad ah, isla markaana bulshada caalamku ku tixgalisay Somaliland.

Sida ku cad dastuurka Somaliland doorashadani waxay suurtogelinaysaa in la helo saddexda xisbi qaran ee ka qaybgali doona doorashooyinka soo socda. Hannaanka saddexda xisbi ku soo bixi doonaan waxa qeexaya Xeer Lam:14/2011 qodobkiisa 6aad. Qodobkaasi waxa faahfaahin ka bixiyey Guddida Diiwaangelinta, waxaanna saxeexay toddobada (7) xisbi/urur eek a qaybgalaya doorashada soo socota.

Siyaasadda Xeer Lam:14/2011 lagu abuuray ee uu ku fadhiyaa waa inuu gobollada dalka ku leeyahay xisbi/urur kastaa taageerayaal mug leh oo ku fadhiya boqolayda si ay u noqdaan saddex xisbi ee soo baxaa xsibiyo qaran oo ka wakiil ah dhammaan gobollada dalka Somaliland, waa taasi ta keentay in habka kala saaristu ay ku salaysnaato isu dheelitirka gobollada. Maaha muhiim codka uu xisbi/urur uu helo ee waxa muhiim ah in xisbi/urur kastaa uu ka helo taageero gobol kasta.

Codadka uu xisbi/urur kastaa ka helo gobol kasta waxa loo qiimaynayaa si gaar ah iyadoo loo isticmaalayo nidaamka (ranking system), kaasoo ku salaysan sida xisbi/ururradu ugu kala sarreeyeen gobollada. Habka kala saaristu waxay ku salaysan tahay mabaadii’da ku xusan dastuurka. Waxay kor u qaadaysaa midnimada ummadda iyo hannaan dimuqraadi ah oo ku dhisan midnimo.”