Muqdisho: Wararka Ka Soo Baxay Qaabka Uu U Dhacay Weerarkii Al-Shabab Ee Maaxtooyada Somaliya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

0
554

Picture7Muqdisho(Geeska/W.Wararka)-Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar xoog badan oo la soo qorsheeyay shalay ku qaaday xarunta Madaxtooyada Somaliya ee magaalada Muqdisho, waxaanu weerarku dhacay wakhtigii afurka.

Weerarka oo loo adeegsaday baabuur la qarxiyay iyo dagaal toos ah, ayaa waxa ay Al-Shabaab gudaha u galeen xarunta Madaxtooyada. Kooxda Al-Shabaab ayaa wax ka yar ka dib weerarka; wakaaladaha wararka u sheegtay inay gacanta ku dhigeen xarunta Madaxtooyada Somaliya, oo ay sheegeen inay ciidamadooda kamaandoowska ahi gudaha u galeen. Hase yeeshe madaxtoyada Somaliya ayaa islamarkiiba war ay soo gelisay barta twitterka waxay ku sheegtay inay soo celiyeen kala dambayntii madaxtooyada islamarkaana ay gunaanadeen weerarkaas, iyagoo sheegay inay dileen dadkii weerarka soo qaaday.

Waxa barxada madaxtooyada lagu arkay maydka qaar ka mid ah ilaalada xarunta madaxtooyada, iyadoo ay wararka qaar sheegayaan inay geeriyoodeen qaar ka mid ah saraakiisha madaxda u ah ciidankaas.

Xasan Sheekh wuu nabad qabaa

Wasiirka arrimaha gudaha dawladda Somaliya ayaa wakaaladda Reuters u sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Raysalwasaarihiisuba nabad qabaan. Warar ay wakaaladaha caalamiga ahi baahiyeen ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu wakhtigaas kulan afur ah ku lahaa xerada Xalane ee ay degenyihiin madaxda Qaramada Midoobay iyo kuwa AMISOM, halka uu Raysalwasaare Cabdiweli isna ku maqnaa gurigiisa oo aan ka dheerayn xarunta madaxtooyada. “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Madaxweynuhu dhaawacmin ee uu nabad qabo oo aanu madaxtooyada joogin wakhtiga weerarka.” Ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Cabdilaahi Goodax Barre.

Wuxuu intaas raaciyay in kooxda weerarka fulisay ay tiradoodu ahayd ilaa shan ruux, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya inay tiradodu intaas ka badnayd.

Hadalkii Xasan sheekh ee xalay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay cawayskii dambe shirjaraa’id oo uu qabtay, wuxuu kaga hadlay weerarka dhacay, isagoo hanjabaad u diray Al-Shabaab,  “guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan u sheegayaa farriin kooban oo la xidhiidha hadallada dacaayadda ah ee ay argagixisadu ku doonayaan in ay shacabka Soomaaliyeed ku geliyaan wel wel dhanka ammaanka ah, ma jirto qal-qal amni oo ka taagan madaxtooyada Soomaaliya, madaxweynihiina ammaankiisa ma ahan mid uu kooxda naflacaariga ah ee Al-Shabaab uga  hor joogsan karaan howlaha ummaddiisa uu u hayo”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “dowladda Soomaaliya iyo hey’adaheeda ammaanka, waa kuwa ka koray in ay Al-Shabaab gabaad ka galaan, waxaan leenahay awood buuxda oo aan cadowga ku beegsanno meelaha uu iska soo abuubullaan middaasina waan ku talla jirnaa.”

Qaabka weerarka

Wararka ay wakaaladaha caalamiga ah iyo warbaahinta Muqdisho baahiyeen, waxay sheegayaan in weerarku  uu bilaabmay ka dib markii ay kooxda Al-Shabaab oo watay baabuur bus ah oo loo yaqaan NOAH uu duqeeyay birta gaadhka ah ee madaxtooyada, iyadoo ay baabuurka ka daateen qaar ka mid ah kooxdii hubaysnayd ee saarnayd, waxaana halkaas ka dhacay dagaal adag.

Idaacadaha Muqdisho ayaa baahiyay in weerarka ka dib ay goobta gaadheen ciidan duubcas ah oo xidhnaa dirayska ciidamada Somaliya, kuwaas oo ay ciidanka madaxtooyada joogay u maleeyeen inay yihiin gurmad iyaga u socda, balse waxa la sheegay inay noqdeen Al-Shabaab oo si dhibyar gudaha ugu gashay xarunta madaxtooyada, waxaana markaas ka dib khalkhalay nidaamkii iyo kala dambayntii ciidan. Sida ay warbaahintu sheegtay waxa kala shakiyay ciidamadii dawladda maadaama oo dadka weerarka ahi ay xidhnaayeen dirayska ciidanka.

Ugu dambayn, waxa ay wararku sheegeen in la dilay lix nin oo Al-Shabaab ah oo gudaha u galay madaxtooyada, waxaana lagu  xafiiska raysalwasaaraha hortiisa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya waxyaabaha Al-Shabaab u sahlay inay sidaas fudud u weerarto madaxtooyada oo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somaliya oo aad u hubaysani, waxase la filayaa inay dawladda Somaliya maanta bixiso warar faahfaahsan.

Gunaanad

Weerarkan ayaa qayb ka ah hanjabaadii Al-Shabaab ee ahayd inay kordhin doonaan weeraradooda ay ku hayaan dawladda iyo AMISOM inta lagu jiro bisha Ramadaan. Dawladda Somaliya ayaa hanjabaadaas kaga jawaabtay mid la mid ah, waxaanay dejiyeen barnaamin la yidhaahdo Nabad ku afur oo hadda u muuqda inuu fashilmay, kaas oo lagu hawlgeliyay ciidamo tiro badan.

Waa markii labaad ee ay Al-Shabaab weerar xoog badan ku qaado gudaha madaxtooyada Somaliya oo ay ciidamadoodu gudaha u galaan, kana gaystaan khasaare balaadhan.

Arrimahan ayaa muujinaya tamar darida madaxweynaha ay bulshada caalamku ilaaliso ee Xasan Sheekh Maxamuud oo tahli kari waayay inuu sugo amniga hoyga uu degenyahay ee madaxtooyada.