Warbixin Laga Diyaariyey Somaliland Oo Dad Badan Oo Yemen Ah Ku Dhalisay In Ay Somaliland U Soo Haajiraan

0
544

Picture6Cadan (Geeska)- Warbixin maqal iyo muuqaal ah oo uu talefishan laga leeyahay dalka Yemen ka diyaariyey nolol maalmeed bulsho ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa gilgilay shucuurta dadka reer Yemen oo badankoodu u bogay horumarka iyo kor-u-kaca ka jira. Warbixintan oo uu talefishanka Yemen Shabaab sii daayey maalintii labaad ee bishan barakaysan ee Ramadaanka ayaa wariye Maxamed Ar-Rubuc uu muddo 20 daqiiqo ah ku soo bandhigay tobannaan muuqaalo kala duwan ah oo uu sheegay in ay sawir buuxa ka bixinayaan heerka ay gaadhsiisan tahay barwaaqada iyo ladnaanta ka jirta deegaannada Somaliland.

Saxafiga oo safar shaqo oo warbixintan la xidhiidha ku yimi Somaliland waxa uu ka waramayaa xasiloonida ka jirta, isaga oo taas marag uga soo qaatay muuqaalka dumar tiro badan oo shaaracyada magaaladan Hargeysa ku iibinaya Dahab iyo sarriflayaasha badhtamaha caasimadda fadhiya ee malaayiinta lacagta ah dhulka wadhay si ay uga shaqaystaan isku-beddelka lacagaha iyada oo aanay jirin  ilaalo gaar ah oo goobta joogtaa.

Wariye Maxamed Rubuc waxa uuy si joogto ah talefishanka Yemen Shabaab ugu diyaariya barnaamij lagu magacaabo Saaxi Nawm (Hurdada ka toos) oo ah barnaamij wacyigelineed oo inta badan uu xoogga ku saaro dib u dhaca nololeed ee ka jira Yemen iyo sida sahalka ah ee ay dadkaasi uga bixi karaan, waxa aanu tagaa dalal kala duwan oo uu ka soo diyaariyo warbixino uu ka dhigto tusaalaha horumarka ya dalalkaas gaadheen ee dalkiisu ka qatan yahay.

Warbixintan Rubbuc Somaliland ka diyaariyey oo uu wargeyska Geeska Afrika arkay waxa uu saxafigu ku bilaabayaa isaga oo qol hurdada ka toosay si uu ugu ambabaxo safar diyaaradeed oo uu hore tigidhkiisu ugu sii go’naa. Laakiin markii uu bixitaan u diyaar garoobay ayaa waxa ay ishiisu si kedis ah ugu dhacaysaa talefishan qolka ka baxayey oo wararysiyo la yeelanaya dad Yemeni ah oo ka cabanaya laydhkii oo xumaaday iyo guud ahaanba noloshii caadiga ahayd oo sii adkaanaya, dadkan ayaa waxa ay ku cabanayaan in ay ka baqanaayn in dalkoodu uu Soomaaliya oo kale noqdo, iyaga oo u jeeda in ay Soomaaliyi ka sii liidato, wariyaha ayaa inta uu cabbaar fikiro waxa uu is weydiinayaa Soomaaliya, kadiban waxaa ku soo dhacaysa Somaliland oo inta uu si degdeg ah ula hadlo shirkaddii diyaaradda uu ka goosanayo tigidh uu ugu safro.

Wariye Maxamed Rubbuc magaalada Hargeysa ayaa uu aad u dhex marayaa waxa aanu aakhirka soo helayaa jawaabta cabsidii dhalinyaradii ka qabtay dalkoodu noqdo Soomaaliya oo kale, isaga oo warbixintiisa ugu sheegaya in Somaliland ay ka duwan tahay sida ay moodayaan maadaama oo ay Soomaaliya isku si u wada haystaan, waxa aanu ku bilaabayaa haddii aad laydh la’aan ka cabanayseen, haddaba Somaliland iyadu koronto fiican ayaa ay leedahay. Wariyuhu waxa uu aad ugu nuux nuuxsanayaa sida ay u kala duwan yihiin Soomaaliya ay dadkiisu ka fikirayaan ee dagaalladu ka jiraan oo Muqdisho uu ku sheegayo iyo Somaliland oo iyada uu ka jiro nidaam dowladnimo, dhaq-dhaqaaq ganacsi iyo horumar nololeed oo fiican.

Warbixintan ayaa uu wargeyska Cadan Al-Qad sheegay in ay aad u lushay dareenka dadka reer Yemen, gaar ahaan dhalinyarada iyo inta horumarka jecel oo si weyn isugu weydaarsanayey bar-kulannada bulshada ee Facebook iyo twitter ay ka mid yihiin, waxa kale oo uu wargeysku sheegay in dad badani ay warbixintaa kadib bilaabeen in ay ku fikiraan sidii ay ugu haajiri lahaayeen Somaliland.