Muqdisho: Gabadh Ajaanib Ah Oo Macalimad Ka Ahayd Jaamacada Somaliya Oo La Dilay

16
639

Picture4Muqdisho(Geeska)-Haweenayd u dhalatay dalka Yugaandha oo macalimad ka ahayd jaamacadda Muqdisho ayaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.

Haweenaydaas waxa toogtay kooxo hubaysan oo markii ay dilka fuliyeen baxsaday, waxaana markii uu dilku dhacay ka dib goobtaas gaadhay ciidamo boolis ah, kuwaas oo aan qabanin dablaydii dilka gaystay.

Haweenaydan ayaa macalimad ka ahayd Jaamacadda Muqdisho, waxaana la sheegay inay Somaliya joogtay muddo kooban. Inkastoo ay magaalada Muqdisho u muuqato mid soo raynaysa, haddana waxa si weyn u soo kordhaya dilalka iyo falalka amni darro ee ka dhacaya, waxaana Jimcihii Muqdisho lagu qarxiyay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya oo uu baabuurkiisu ku qarxay isagoo ka soo baxay madaxtooyada Somaliya.

 

Comments are closed.