Maayarka Hargeysa Oo Ka Hadlay Shuruudo Ay Ku Xidheen Shirkadaha Qashinka

4
786

Picture3Hargeysa (Geeska) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka warbixiyey bishan December ee sanadkan waxyaalaha u qorshaysan inay qabtaan ee ka mid ah qurxinta iyo hagaajingta bilicda Magaaladda.

Maayarka ayaa sheegay inay jardiimo weyn ka samayn doonaan badhtamaha Magaaladda Hargeysa, gaar ahaan agagaarka Cisbitaalka Hargeysa, waxaanu baaq u diray dadka ka ganacsadda agagaarka Cisbitaalka inay ka guuraan, maadaama oo marmar iyo qurxin laga samaynayo cisbitaalka guud.

Sidoo kale, waxa uu sheegay shirkadaha Qashinka Gura  shuruudihii laga rabay ku eeg-tahay Axaddii shalay, isla markana shirkaddii fulin wayday shurudahaasi la soo saari doona maalinta Salaasadda ah.

Maayar Cabdiraxmaan waxa kale oo uu xusay inay bishan u imanayaan gaadiid kale oo ay u soo iibiyeen hagaajinta bilicda Caasimadda, kuwaas oo ay ka mid yihiin laba gaadhi oo waaweyn oo iska rogooyin ah, hal Baldawser, saddex Ruglay, xabad Garaydher ah iyo hal xabo oo gaadhigii weynaa ee qaadayey cagafyada kolba marka meel loo rarayo u qaadayey.

Maayar Cabdiraxmaan Caydiid waxa uu sidaas ka sheegay mar uu shalay xafiiskiisa ugu waramayey warbaahinta, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Maanta (shalay) waxaanu shirka jaraa’id u qabanay inaanu ka sheegno waxqabadka bishan December noo qorshaysan oo ah horumarinta iyo bilcda Magaaladda Hargeysa,  Maalinta salaasada ah waxa shir iskugu iman doona dhammaan xubnaha golaha deegaanka, waxaana lagu ansixin doonaa laba qodob, labadaa qodob oo ah shirkadaha qashinka oo sida aad la socotaan dhibaato badan ku haya caasimadda, waxaad ogtihiin inuu qashinku dhibaato badan ku yahay Magaaladda, isla-markaana dadkii ka cabanayaan,sidaa darteed, waxaanu u samaynay shuruudo ah inay buuxiyaan oo aanu wakhti ku siinay oo wakhtigana mar labaad u kordhinay oo ah in shirkad waliba inay la timaado 7 gaadhi degmo kasta oo shanta degmo ka mdi ah, shirkadda Saba-wanaag oo maamusha Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe iyo Suuqa dhexe waxa looga baahan yahay oo aanu ku xidhnay  inay keensato 17 gaadhi si hawshu u kala fududaato, shirkadda TABSAN oo maamusha Gacan-libaax waxaanu ka sugaynaa 7 gaadhi, shirkadda DHIS oo maamusha 26-ka June waxa aanu ka sugaynay 7 gaadhi, Shirkadda KEEPS waxaanu iyadana ka sugaynay 7 gaadhi oo iyadu haatan keentay, shirkadda Tabsana ay subaxda (maanta) keenayso, labada shirkadood ee kalena wali balan may qaban, balse kama dambaysta (deadline-ku) waa barri (maanta) galinka dambe, shirkaddii aan keenina waxa la keenayaa shirkaa goluhu qabanayaan iyo xeerkii ganaaxa iyo ciqaabta cidii khashinka wado ku qubta, gaadhiga aan shirkaduhu si fiican u shiraacin ee khilaafa xeerkii faya-dhawrka oo dhan oo xeerkii ay golaha deegaanku ansixin doonaan maalinta salaasada ah, labadaa qodob ayaanu hordhigi doonaa golaha deegaanka”

Maayar Soltelco waxa uu sheegay inay bishan u qorshaysan tahay inay degmooyinka Hargeysa ka hirgaliyaan Garoomo isugu jira kuwo kubadda xagta iyo gacanta waxaanu yidhi isaga oo arrimahaa ka hadlaya“ Waxa kale oo aanu bishan December qorshaha noogu jirta mashaariicda lagu horumarinayo Ciyaaraha oo aanu ugu tallogalnay inay degmo kasta hesho garoomo ku filan, anaga oo ka jawaabayna baahida dhalinayarada Hargeysa haysta iyo garoomo la’aanta,  Garoomadda aanu dhisayno wax aka mid ah Garoonka  Dugsiga Sheekh Cali Ibraahim waxaanu u samaynaynaa garoonkiisa kubadda Gacanta oo ka jajaban inaanu u dhisno iyo garoonka kubadda Cagta, Garoonka Shuraac  ee reer shuraac bixiyeen dhul garoon laga dhigo waanu banaynaa oo dayr ku wareejinaynaa si loogu ciyaaro, Xaafadda Star  waxaanu u samaynaynaa Garoon, Garoonka Edna Aadan ee kubadda Gacanta oo jajaban dib-baanu u dhisaynaa, dhalinyartii waxay ka codsanayeen dadweynaha in garoomo loo dhiso, laakiin anaga uga soo horeynay oo u dhisi doona garoomo badan, waxa kale oo aanu samayn doono laba saldhig oo bishan aanu dhisi doonno, xayeysiiska dhismayaashan, waxaanu barri (maanta) u qaybin doonaa jaraa’idka”

Maayarka oo ka hadlay dib u dhiska wadooyinka caasimadda ee Roobabku burburiyeen waxa uu yidhi “Waxa kale oo aanu wax ka qaban doonaa waddooyinkii roobabku waxyeeleeyeen, badhna waa la sameeyey ilaa toddoba kalena waanu dhisaynaa bishan December oo shaqadoodu bilaabi doonaa Barri (Maanta) wadooyinkaasi oo kala ah Cabbaaye, Togdheer, Xero Awr, Octobar, biibsiga iyo Maxamuud Axmed Cali iyo waddada dambe ee dhakhtarka dabadiisa mara, wadooyinkan waxaan doonayaa inay warbaahinta nagala qayb-qaadato wacyigelinta dadweynaha, waxa jirta waddada hor marta Faarax Oomaar ee tagta Saldhiga dhexe oo culayska ka qaadi lahayd wadan hal bawlaha ah ee saxmadda badan waxa lagu jiray guryo oo labaddii haad waxay isku noqdeen hal haad, waxana leeyahay mulkiilayaasha guryahaasi  inay nagala qayb-qaataan in danta guud la hagaajiyo si loo sameeyo waddo saddexaad oo culayska ka furata waddada wadnaha”

 

Comments are closed.