Madaxweyne Siilaanyo Oo Jigjiga U Tagay Xuska Maalinta Qomiyadaha Itoobiya

11
709

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa shalay booqasho rasmi ah ugu ambabaxay wadanka Itoobiya, si uu uga qayb galo munasibadda maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo maanta ku began.

Madaxweynaha Somaliland Waxaa safarkiisa oo qaadan doona muddo labo cisho ah ku weheliya wasiiro, waxa duleedka degmada wajaale ee xuduudka Itoobiya ku soo dhaweeyay madaxweynaha kililka shannaad ee Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, oo u gelbiyay dhinaca magaalada Jigjiga.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka sii horeeyay guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu martiqaadka u soo diray guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Itoobiya.

 

Comments are closed.