Munadama Al-Dacwa AL-Islaamiya Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuustay Shirkada Al-Baraka Construcion

1
583

Picture1Hargaysa(Geeska):-Munadama Al-Dacwa AL-Islaamiya ayaa habeen hore  Shahaado Sharaf Ku Maamuustay  Shirkada Al-Baraka Construcion Copany.

Madaxa ha’yadda Munadama Al-Dacwa AL-Islaamiya Maxamed Axmed Ismaaciil oo habeen hore Munaasibad loogu qabtay magaalada hargaysa  ayaa waxa ay shahaado sharaga ku maamuuseen Eg Cali Cumar Ismaaciil,isla markaana madaxda ka socota madaxda ha’yadda islaamiga ah waxa ay ku tilmaameen in ay ku mutaysatay shahaado sharftan masaajid uu dhisay.

Madaxa Ha’yadda munadama Maxamed Axmed Ismaaciil ayaa sharaxaad ka bixiyey halka ay ka dhisantahay ha’yaddani islamarkaana waxa uu ku tilmaamay in ay ka mid yihiin  madax waynihii hore ee sudaan iyo madaxwayne ku xigeenka dalka nayjeeriya,waxaana yidhi”waa ha’yadda caalami ah oo xafiiskeedu ugu wayni waxa uu ku yalaa caasimada sudaan,guddoomiyeheeduna waa cabdiraxmaan oo ah madaxwaynihii hore sudaan ,madaxwayne ku xigeenka nayjeeriya iyo niman badan oo wadamada islaamka ah ayaa ku jira ha’yadda Munadama Al-Dacwa AL-Islaamiya xafiiskeeda waqooyiga biriga afrikana waxa uu ku yaal magaalada hargaysa.

Waxa kale uu sheegay in ay caawa doonayaan in ay shahaado guddoonsiiyaan wallaalkeen madaama oo uu noodhisay masaajid,Eg Cumar Cali Ismaaciil””

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay marti badan oo Iyana kasoo qayb gashayn munaasibada islamarkaana waxa ay dhamaantood ku dheeradeen waxa yaabaha ay ka qabatay dalka somaliland.

Sidoo kale Eng Cumar Cali Ismaaciil oo isna munaasibada ka hadkay ayaa waxa uu umahad-celiyey madaxda ka socota ha’yadda munadama al islaamiya waxaana uu ku dheeraaday in ay somaliland waxa yaabo badan ka qaban doonaan xaga horumarinta ah””

 

Comments are closed.