Khilaafkii Shirgudoonka Wakiilada Oo Sii Laba Kacleeyay Iyo Baashe & Cali Oo La Filayo Inay Maanta Maxkamada Sare U Gudbiyaan Dacwad Ka Dhan Ah Cirro

0
497

Picture7Hargeysa(Geeska)-Khilaafkii shirguddoonka Golaha wakiilada ayaa sii laba kacleeyay, ka dib markii ay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro iyo labadiisa ku xigeen heshiis ka gaadhi waayeen khilaafka ka dhashay isku shaandhayntii guddiyada golaha wakiilada uu ku sameeyay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro.

Kalfadhiga golaha wakiilada ayaa mudaysan inuu saaka furmo, waxaana la filayaa inuu furmo iyadoo aanay xubnaha shirguddoonku isu calool fayoobayn taas oo la filayo inay shiddo xaraarada golaha wakiilada. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay labada ku xigeen Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Md. Cali Yuusuf Axmed ay maanta dacwad ka dhan ah isku shaandhaynta Cabdiraxmaan-Cirro u gudbinayaan maxkamadda sare ee distooriga ah, iyagoo sida la sheegayo ku eedaynaya in guddoomiyuhu jebiyay xeerarka golaha wakiilada. Baashe iyo Cali Yuusuf oo aanu isku daynay inaanu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin, ka dib markii ay Telefoonadooda naga qaban waayeen.

Hase yeeshe dacwadan la sheegayo inay labada ku xigeen ee Cabdiraxmaan-Cirro maxkamadda sare uga gudbinayaan guddoomiyahooda ayaan la garanayn sida ay u hirgeli doonto iyo inay maxkamadda sare qaban doonto iyo in kale, waxase haddii ay gudbiyaan ay noqon doontaa mawduuc xaasaasi ah oo ku soo biiray siyaasadaha baaxaa degaya ee dalka ka taagan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa qorsheyaal ka dhan ah oo muddooyinkii u dambeeyay kaga socday golaha wakiilada wuxuu ku eedeeyay in laga soo maleegayo aqal aan ka dheerayn aqalka uu ka taliyo ee golaha wakiilada, kaas oo loo turjuntay madaxtooyada oo ay dhawr talaabo isu jiraan.