Munaasibad Loo Sameeyay Ardayda Dugsiga Imaamu Shafici Ee Kaalmaha Sare Ka Galay Imtixaanka

0
680

Picture4Hargeysa (Geeska) – Maamulka Dugsiga Imaamu Shaafici oo ka mid ah dugsiyada ugu caansan Magaalada Hargeysa, ayaa qabtay Munaasibad balaadhan oo uu ugu hambalyeeyay ardayaddii Kaalinta koowaad ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad guud ahaan Somaliland Hoodo Khadar Jees Aaden, taasi oo wax ka baratay dugsiga Imaamu Shaafici.

 

Munaasibaddan oo sidoo kale hambalyo iyo bogaadin loogu diray Amal Khadar Cabdi Aadem oo iyaduna kaalinta shanaad ka gashay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad oo lafteedu ka mid ah ardayda ka aflaxay Imaamu Shaafici, ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray afar hablood oo ka mid ahaa ardayda dugsigaasi ee ka mid noqday tobanka hablood ee ugu sareeya guud ahaan Somaliland marka loo eego imtixaanka shahaadiga ah fasalada 8-aad.

Maamulaha Iskuulka Imaamu Shaafici Xuseen Cismaan Warsame, oo ugu horeyn ka hadlay Xafladdan  oo ka dhacday Huteelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, waxaanu si weyn u amaanay isla-markaana u bogaadiyey ardayda kaalmaha fiican ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad ee Somaliland.

Maamulaha dugsiga Imaamu Shaafici Xuseen Cismaan Warsame oo ugu horeyn sharaxaya ujeedada xafladda loo qabtay ayaa yidhi “Halkan Waxaynu fadhidaa Munaasibad farxad iyo Hambalyo isugu jirta, waxaynu Munaasibaddan u qabanay inaynu Hambalyeyno oo aynu bogaadinno ardaydii Imaamu Shaafici ee soo hoysay guusha qaaliga ah sanadka, ee himiladayadii aanu inta badan ku riyoonaynay maanta noo xaqiijisay”

Xuseen Cismaan Warsame, waxa kale oo uu sheegay “Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Somaliland laga qabtay Imaamu Shaafici wuxuu noqday iskuulkii koowaad ee kaalinta koowaad galay sanadkan 2012 – 2013-ka, waa guul weyn” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Sanadkan ardayda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah dugsiyada dhexe sanadkan waxay kor u dhaafeen 12000 dalka oo dhan, 12-kaa kun ardaygii ugu horeeyay ee kaalintaa koowaad u galay wuxuu ahaa Imaamu Shaafici, markaa muhiim ayay noqotay inaynu qabano Munaasibad aynu ku farxayno oo aynu ardayda ku hambalyeynayno”

Maamulaha iskuulka Imaamu Shaafici, wuxuu si faahfaahsan uga sheekeeyay taariikhda dugsigaasi, waxaanu sheegay in Magaca Imaamu Shaafici la bixiyey 1998-kii isla-markaana uu garanayo iskuulkan oo ah ka labaad ee noociis ah ee ka jira Magaalada Hargeysa, waxaanu tilmaamay in iskuulkan muwaadinkii aasaasay ay hay’adda MASNO Foundation kala wareegtay, ilaa wakhtigaasna ay Manso gacanta ku hayso iskuulka, isaga o xusay in ilaa wakhtigaasi ay tayada iskuulka wanaagsanayd, isla-markaana guusha uu ka soo hooyey imtixaanka shahaadiga ah ay tahay wax muddo ay ku fikirayeen inay hantaan, ILAAHAYNA u suurtogaliyey.

Maamuluhu wuxuu u duceeyay ardayda kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland.

Maamulaha Dugsiga sare ee ILAYS Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi, isla-markaana ka mid ah maamulayaasha soo maray Imaamu Shaafici oo isna hakaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Wixii loo hagar baxo ee lagu dedaalo midhahan oo kale ayuu dhalaa, markaa Waalidka ardayda dhalay, Macalimiinta iyo ardaydaba waxaan leeyahay hambalyo, aad iyo aad ayaad nooga farxiseen, ILAAHAYNA ha idinka jisaa’I siiyo, waxaanuna rejaynaynaa mustaqbalka wanaagsan adduunyada iyo aakhiraba ku gaadhaan”

Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Cabdi, sidoo kale wuxuu sheegay “Dugsiga Imaamu Shaafici waxa loogu bixiyey oo loogu talo-galay inuu dedaalkii iyo juhdigii Imaamu Shaafici hiigsado” ayuu yidhi Sheekhu.

Madaxa waxbarashada ee MASNO Foundation Sheekh Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, oo ah hay’adda gacanta ku haysa dugsiga Imaamu Shaafici oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Farxad ayay noo tahay inaanu ardaydeena kala qayb-qaadano farxadda ardayda kaalmaha hore ka galay waxbarashada qaranka Somaliland, welibana waxaan si gaar ah u hambalyeynayaa ardayadda ku guuleysatay kaalinta koowaad Hooda Khadar Jees iyo ardayadda kaalinta shanaad gashay Amal Khadar Cabdi Aaden, waxaan leeyahay ILAAHAY ha idin barakeeyo, Cilmigaasina ILAAHAY ha idiinka dhigo mid if iyo aakhiraba idin anfaca, waayo dadku aqoon iyo akhlaaqda ayaa bani-aadamka kala horeysiisa”

Sheekhu waxa kale oo uu u mahad celiyey Waalidka iyo Macalimiinta dugsiga Imaamu Shaafici “Fadligaa ILAAHAYBAA iska leh, ILAAHAY ka sakow waxa iska leh Macalimiinta sida hagar la’aanta ah u bixiya juhdigooda, Muruqooda iyo maskaxdooda inay carruurtooda wax ku baraan” ayuu yidhi, isaga oo sidoo kale hambalyo u diray guddida sare ee Imtixaanaadka qaranka oo uu sheegay inay si sax ah u shaqeynayaan.

Xafladdan waxa kale oo uu ka hadlay Waalidka dhalay ardayadda kaalinta koowaad u gashay fasaladda 8-aad guud ahaan Somaliland Khadar Aaden Jees, waxaanu u mahadnaqay  Maamulka iyo Macalimiinta Imaamu Shaafici oo uu sheegay inay iyagu leeyihiin guusha inantiisu soo hoysay.

Munaasibadda oo ay sidoo kale ka hadleen qaar ka mid ah ardayda kaalmaha fiican ka galay Imtixaanka shahaadiga ah, ayaa waxa gabagabadii shahaado sharafyo halkaasi lagu guddoonsiiyey ardaydii loo sameeyay Munaasibadda hambalyada ah, kuwaasi oo kala ah:

Hoodo Khadar Jees Aaden oo fasalada 8-aad ee dalka oo dhan kaalinta koowaad u gashay.

Amal Khadar Cabdi Aadem, oo kaalinta shanaad u gashay fasalada 8-aad ee dalka oo dhan.

Samira Xasan Cismaan Ducaale, oo kaalinta 9-aad ka gashay 10-ka hablood ee dalka oo dhan ugu sareeya.

Xamda Cabdilaahi Axmed Nuur, oo iyaduna kaalinta 10-aad ka gashay 10-ka hablood ee dalka oo dhan ugu sareeya.

Cabdiqani Maxamuud Aaden oo kaalinta 7-aad ka galay fasalada 8-aad ee Gobolka Maroodi-jeex..