Madaxweyne Obama Oo Hakiyay Weerarkii Suuriya Iyo Aragtida Dhinacyada Dabada Ka Riixayay

2
554

Picture3Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama oo habeen hore  Shacabka Maraykanka si toos ah ugala hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey qorshihiisa ku waajahan dagaalka ka socda dalka Siiriya.

Obama ayaa ka waramay dagaalka sokeeye ee ka socda Siiriya inuu gaadhay heerkii ugu xumaa kadib markii ciidamada dowlada Bilaabeen adeegsiga hubka Kimikalka dhamaadkii bishii Agoosto, isagoo sheegay in caalamka aysan eegan karin xasuuqa noocaas ah.

Obama oo ka hadlay sharuucda hore caalamka u dhigtay ee ah inaan dib danbe loo isticmaalin hubka Kimikalka wixii ka danbeeyey dagaalkii 1aad ee Adduunka, ayaa sheegay in lama huraan ay tahay in tilaabo militari laga qaado xukuumada Siiriya si aanay usii wadin xasuuqa noocan ah.

Barack Obama ayaa sheegay in qorshihiisa aanu marnaba ahayn in ciidamo ka socda Maraykanka ay galaan gudaha Siiriya, ama hawlgalka Militari uu noqdo mid lamid ah kuwii Maraykanka ee dalalka Afghaanistaan, Ciraaq iyo waliba Liibiya, balse qorshaha ku aadan Siiriya uu noqon doono duqeymo kooban oo lala beegsanayo awooda militari iyo hubka halista ah ee gacanta ugu jira Bashar Al Assad.

Obama ayaa sheegay inuu ka codsaday in dib loo dhigo codkii Baarlamaanka Maraykanka (Kongareska) u qaadi lahaa hawlgalka xukuumadiisa damacsan tahay, isagoo sheegay inuu fursad siin doono in xal diblomaasiyadeed laga gaadho arrimaha Siiriya, kadib dadaalka ay bilowday xukuumada Ruushka ee xulafada la ah Siiriya.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in haddii hubka Kimikalka ay dowlada Siiriya si nabad ah kusoo wareejineyso ay arrintaasi meesha ka saari karto adeegsiga awooda militari. Obama ayaa intaasi raaciyey debecsanaanta dowlada Siiriya ay hada muujineyso ay sabab u tahay hanjabaada hawlgalka Militari ee Maraykanka.

Khudbadan ayaa ahayd mid lagu doonayey in lagu qanciyo shacabka Maraykanka oo intiisa badan kasoo horjeeda hawlgal militari oo uu Maraykanka markale ka qeyb qaato kadib khasaarihii Maraykanka ka raacay dagaaladii Afghaanistaan iyo Ciraaq.

Isra’iil

Geesta kale,  dowlada Isra’iil iyo kooxda Yuhuda ah ee u ololeeya ee IPAC ayaa maalmihi lasoo dhaafay si weyn olole uga waday Baarlamaanka Marakanka in duulaan militari lagu qaado siiriya, Israa’iil ayaa ka cabsi qabta in hubka kimikalka ee Siiriya uu gacanta u galo kooxaha ka tirsan ururka Al Qacida ee la dagaalamaya Bashaar Al Assad.

Obama ayaa doodiisa ku daray in hubka kimikalka uu sidoo kale khatar ku yahay amaanka wadamada jaarka la ah Siiriya sida Isra’iil oo xulafada la ah Maraykanka.

Isra’iil ayaa sidoo kale dooneysay hawlgalka militari inuu digniin u noqdo dalka Iran oo isagu hada wada barnaamijkiisa Nukliyerka. Waxaana muuqata in Isra’iil iyo IPAC ay iyaguna taageero ka waayeen Baarlamaanka Maraykanka ee Kongareeska oo uu heysto cadaadiska shacabka Maraykanka oo xiligan diyaar u ahayn hawlgal kale oo militari.

Comments are closed.