Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Rasmi Ah U Dhaqan Geliyay Xeerka Furashada Ururada

0
652

 

oday siilaanyo

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay si rasmi ah u saxeexay dhaqan gelinta xeerka furashada ururada siyaasada.

Qoraal lagu dhaqan geliyay xeerkaas oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sidan u qornaa, Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  waxa uu Maanta [shalay] Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda. 

Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-

Markuu Arkay:                         

Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 Markuu  Helay:                         

Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,

 Markuu Arkay:                         

Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

  Wuxuu Soo Saaray,

 Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.”