Mulkiilaha Shirkadda Facebook Oo Dalbaday In La Dumiyo Guryo Deris La’ Ah, Oo Uu Sheegay In Ay Bilicdii Gurigiisa Qariyeen

0
546

1Hargeysa (Geeska)- Talefishanka FOX News oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa baahiyey war sheegaya in aasaasaha shirkadda Facebook, Mark Zukirberg uu ku adkaystay in laga dumiyo afar guri oo ku hareero yaalla gurigiisa isaga oo ku sababaynaya in ay qariyeen bilicdii gurigiisa ku yaalla magaalada Palo Alto ee gobolka California.

Bilyandheerkan 32 sano jirka ah ayaa qorshaynaya in uu dhiso Afar guri oo kale oo uu ku magdhowo guryaha hareerihiisa laga duminayo, laakiin warbixintan talefiishanku kuma uu sheegin xaddiga lacagta duminta guryahan iiyo dhismaha guryaha kale oo laga rabo in uu bixiyo mulkiilaha barkulanka bulsho ee Facebook, oo ah degelka Internet ka ee dunida ugu shacbiyadda badan. Laakiin waxaa la og yahay in sannadkii 2013ka uu Mark Zukirberg lacag ka badan 30 Milyan oo doolar ku bixiyey iibsashada dhammaan guryaha ku xeeran gurigiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin guryahan uu hadda duminayaa.

Warkan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu talefishanka FOX News ku sheegay Mark Zukirberg uu gurigan oo bedka dhulka uu ku fadhiyaa gaadhayo 464.5 Mitir oo labajibbaaran uu ku iibsaday 7 Milyan oo doolar oo keliya.