Mulkiilaha Hotel Guuleed Oo Shacbiga Ku Hanbalyeeyay Sanadka Cusub Kana Hadlay Taariikhda Uu Hotelkaasu Ku Leeyahay Hargaysa

0
1047

DSC03124Hargaysa( Geeska )- Mulkiilaha hotel Guuleed  magaalada Hargaysa Cali Cumar Xasan Guuleed, ayaa sanadka cusub ku hanbalyeeyay guud ahaan shacabka Somaliland iyo si gaar ah ma’caamiishiisa, waxanu mulkiilahan ka waramay taariikhda fiican ee hoteelkan uu ku leeyahay dalka.

Cali Cumar waxa uu sida oo kale macaamiishiisa iyo guud ahaan dadka reer Somaliland u soo bandhigay adeegyo cunto iyo hoolal u diyaar ah iyo waliba jawi degan oo ay ku nasan karaan macaamiisha hoteelkaasu u imnaaya adeegyada.

Waxa uu mulkiilahani  si kooban uga sheekeeyay kaalinta bogcadan uu ku yaalo hoteelku ay ku leedahay halgankii dalka loo soo maray iyo waliba hub ka dhigistii, waxaanu sidan ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramaayay hotelkaas gudahiisa, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Munaasabadan maanta inaga oo aan soo wada koobi karin waxaan kaga hadli doona taariikhda uu leeyahay Hotel Guuleed iyo shacbiga  Somaliyeed iyo ka Somaliland labadaba  oo aan u celinaayo mahadnaq sanadkaas dhamnaaday awgii. Magacan hotel Guuleed waxa uu ka soo baxay awoogayo Samater Guuleed oo ahaa nin reer Buluxaar ah  ayaanu magaca uga soo qaadnay hotelka, bogcadan markii la sameeyay dad badan ayaa isku kaayo garab taagay inay furnaato oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Cabdi Waraabe, Biixi Caalin, Jabaan, Wadaadyare, Xaaji Il dab iyo rag kale oo dalka gudahiisa iyo dibadiisaba jooga, waxay ahayd bogcadani mid aad iyo aad u qurox badan dhir badanina ay ku taalay oo tacab badan naga galay dhexna u ahayd umadii Somaaliyeed ee markaas noolayd, runtiina markii qaxu dhacay  waxa ay bogcadani noqotay meel lagu soo qaxay oo wax badan ayaa meesha ka baxay.”

Isagoo Cali Guled, hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi  “Waxa hadalkan ii geeyay inaan u mahadnaqno dadka dalkan leh oo nagu xushmeeya  taariikhada ay bogcadani ku leedahay oo ku farxa markay furanto, oo kana naxa markay xidhanto, waxana alle ka baryayaa in Somaliland horumar samayso oo ay noqoto meeshii dalacda, waxaan ku soo gunaanadi lahaa  hadalkayga taariikhu ma duugawodee waa in laysku sharfaa taariikhda.Waxaan si gaar ah mahad ugu celinayaa  Alleha weyn ee bogcadan nagu beeray, waxaan mahad u celinyaa xukuumada ka jirta dalka iyo shacbiga Somaliland , waxanau idiinku balan qaadaynaa  inaan da’daal ka muujino adeegyada aanu dadkayaga u hayno,Allena sanadka cusub hirdidiisa haynaga duwo, kii ina dhaafayna khayrkiisa hayna siiyo waxaanan ku hanbalyaynayaa shacbiga Somaliland iyo ka Soomaaliyeedba  dhalashada sanadka cusub.”

Ugu danbayntii Cali Cumar waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday adeegyada uu huteelkiisu bixinayo  “ Hotel Guuleed waa hadh qabaw waana xuduntii hudheelada, waxaanu baxinaa adeegyo ay ka mid yahiin hoolal la kireeyo oo qalabaysan, waxaanu samaynay jawi dagan oo bini-aadamku  ku kulmi karo oo ka dhadhan duwan hudheel wal oo kaleba, waxaanu iibinaa cuntooyin iyo cabitaano dhadhan leh anaga oo eegayna waxay dadku xiisaynayaan, sida oo kale waxaan ka madhnayn goobo carruurtu ay ku ciyaarto, runtiina carruurtu way inagu dhex dhibantahay waayo dalku malaha goobo ay ku ciyaaraan.”