Mucaaridnimada dawlada Siilaanyo yaanaan qaranimadeena ku baabi’in, Waxa Qoray Mustafe Cabdi Ciise (Shiine)

0
3914

Waxa hubal ah in ay maanta meel xun marayso diidmada ay shacabka reer Somaliland qaarkood kala soo horjeedaan habsocodka dawlada uu hogaamiyaha ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, taasi oo hadda aad moodo in lagu celinaayo dalkeenii raadadkii aynu horey ugu soo jabnay ee 1992 ilaa iyo 1997-kii oo hab mucaaridad ku salaysan Qabaa’il iyo Ardaayo,lana adeegsanaayo guddiyo Beeleed oo kicinaaya Dumarka iyo caruurta.

Waa xaqiiq in xukuumadda Siilaanyo ay isugu dhuratay “wax matarayaal meshana kama kacayaal” waxa aan ka hadlayaa hadda waa wasiirada,haseyeeshee waxa aan qarankan qaban in  xukuumad ku timid codka shacabka loo adeegsado muquuninteeda caruurtii iyo ubaxii dalkan oo maalin walba la abaabulo mudaharaado aanay shacabkeenu u lahayn wax aqoon ah, kuwaasi oo dhalin karaya dhimasho joogta ah, sababtuna ay tahay in marka askarigii nabada loo diray uu damco in uu ka hortago kurayo xoog ah oo baabuurtii shacabka, dukaamadii iyo guryahii dawlada iyo shacabkaba burburinaysa in ay laftiisii dhagax la beegsanayaan,taasina ay keenayso in Askarigii oo aan isagiina haysan qalabkii loo baahnaa ay xabadii hoos uga dhacdo,dabadeedna ay galaafato nafo qaaliya, hadhowna ay baroorato Hooyadii wanaagsanayd ee dihatay ee soo barbaarisay, balse siyaasigii dabka shiday uu ku naaxo oo ama darajo lagu siiyo ama qasriga madaxtooyada lagu casuumo uu helo wax uu ku qanco.

Dhaba ahaantii waxa nacasnimo inoogu filan in maanta rag ay ku fikirayaan in Madaxweyne kursiga ku yimid codka shacbka la damco in in lagu maquuniyo kacdoono beeleysan oo lagu abaabulo bulshada u nugul carooga qabiilka, halka ay ahayd in si nasteex ah loogu sheego wixii khaladaad ah ee ay fashay xukuumaddu.

Maanta Somaliland waxa ay dhawr iyo labaatan sanno ka dib soo goodhay in ay kuraasida ku yimaadaan dhamaan wakiilada siyaasada codka shacabka, hadday tahay Golayaasha deegaanka,Mudanayaasha Wakiilada iyo Madaxweyne iyo ku-xigeenkiisuba, taasina ay tahay wax ILLAAH laagu xamdi noqo, waxa keliya ee ay meesha kaga baxayaana ay tahay dariiqii ay ku yimaadeen oo keliya, nin ku farxa iyo mid ka naxaba, waxase aynu u baahanahay in dalkeena labada  xisbi  mucaaridka ahi ay noqdaan kuwa ilaaliya xukuumnadda la doortay oo shacabka u soo bandhiga god daloolooyinka ay lee dahay, si ay dadweynuhu uga garaabaan hadhawna ay codkooda ugala baydhaan xukuumaddii ka xumaatay iyo xisbigeedaba.

Waan qirayaa in shacabku kalsooni badan aanay ku qabin qaabka iyo habsocodka labada xisbi ee soo baxay ood moodo in aanay hayn waddadii xisbiyada mucaaridka ah laga rabay oo uu buste qoyani saran yahay, laakiin waxa looga baahan yahay in ay tahay wakhtigii loo kala dheereyn lahaa kalsoonida shacabka oo hadba galdaloolada xukuumadda uu  ka faa’idi doono hadba xisbiga u muuqda in uu gilgilaayo dawlada Siilaanyo,kaasi oo Sida Madaxweynaha hadda iyo xisbigiisa KULMIYE ay  uga faa’ideen nacaybkii shacabku ka qaadeen dhaga furaysigii Daahir Rayaale Kaahin ay ku raaceen xisbigan oo ay u arkayeen inuu yahay kan keliya ee la tartamaaya.

Haddaba waxa aan maanta ku talin lahaa in bulshada reer Somaliland aanay inaga burburin dalkii aynu 21 sanno soo dhisaynay, yeynaanan hadda dib ugu noqon hogii aynu ku dhici weynay 1991 ee ahaa in ay Somaliland yeelato wixii aynu u naqaanay Warlords-ka, taasi oo ah yaanu siyaasi kursi ama xisbi waayay galaafan qaranimadeena ee aynu si cilmiya u mucaaridno xukuumadda Siilaanyo ee aad moodo maanta in Madaxweynihii la doortay uu dareenkii shacabku ka qarsoonyahay ama uu dadkii doortay ka door biday in yar oo ku hareeraysan.