Dhallinyaro Cambaaraysay Odayaasha Xaafadooda Oo Xukuumadda Taageeray

0
592

Hargaysa(Geeska):-Qaar ka mida Dhalinyarada degmada Axmed-dhagax, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay Qaar ka mida Cuqaasha iyo Odayaasha beesha Muuse Abokor ee Arab, waxaanay dhallinyaradu sheegeen inaanay odayaashaasi cidna metelin. Odayaasha ayaa shirjara’id oo ay shalay qabteen waxay ku sheegeen inay taageersanyihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Dhalinyaradan oo Shir jaraa’id ku qabtay hotel Xaraf ee Caasimadda Hargaysa, ayaa cambaareeyay odayaashaas oo ay sheegeen inay yihiin weji ku macaash.

Abwaan Iid Axmed Caalin oo ka mid ahaa Dhalinyaradii Madashaas ka hadlay ayaa sheegay in odayaashu  af-duuban yihiin, isla markaana Magac beel weyni leedahay ay ku adeeganayaan, waxaanu yidhi “Halkan (Hotel Xaraf), waxa Shir ku qabsaday Odayaal sheegtay inay ku hadlayaan afka beesha Muuse Abokor, waxaana soo abaabulay oo dabada ka wada Ninka la yidhaahdo Xuseen Axmed Caydiid oo ah wasiirka cadaaladda oo malaa Kursigiisa u baqay. Waxaad arkaysaan in hoolka ay ku jiraan Ciidanka RRU-da lagu wareejiyey, markaa nin isagii af-duuban yahay maaha inuu sheegto beel dhan Magaceedii. Anagu waxaanu nahay beesha ay sheegeen inay afkooda ku hadlayaan waana naloo siidayn waayey, markaa waxaanu leenahay haddaanu nahay Dhalinyarada Degmada Axmed-dhagax kuma hadli karaan Shaqsiyaad kooban oo Waji ku macaash ahi magaca reerka. Siilaanyo-na been bay u sheegeen hadii ay yidhaahdeen anagaa afka reerka u hadalna. Nabadgelyadana anagaa uga damqasho badan kuwa Dhaameelka ku raadinaya.”Ayuu yidhi Abwaan Iid Axmed Caalin.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Mustafe Cumar Saajin oo ku hadlaayey afka Dhalinyarada Muuse Abokor, waxaanu sheegay  inay Dhalinyaro ahaan aad uga xun yihiin waxa ka soo baxay Odayaasha iyo Cuqaasha sheegtay inay ku hadlayaan afka beeshooda, waxaanu yidhi “Waxaanu Cadaynaynaa inaanay waxba ka jirin hadalka ka soo baxay Odayaasha iyo Cuqaasha la soo aruuriyey ee la yidhi ku hadla afka beesha Muuse Abokor, waxaanu leenahay Shaqsiyaad dhaameel doon ahi kuma hadli karaan afka reerka. Xukuumadda uu hogaamiyo Siilaanyo hadii ay yidhaahdeen waanu taageersannahay waa hawl- iyaga u taala, balse waxaanu Umadda reer Somaliland u cadaynaynaa inaanay jirin wax taageero ah oo aanu u hayno Madaxweynaha maanta jooga. Shaqsiyaad la soo abaabulay oo laga dhex guuxaayana waxaanu leenahay taageero ku heli maysid kuwa soo abaabulay-na waxa ka luntay Kalsoonidii shacbigooda oo Kuraastooda ayey u baqayaan,  balse Dhalinyaro ahaan waxaanu Umadda reer Somaliland u sheegaynaa inaanay jirin wax taageero ah oo aanu u hayno Xukuumadda maanta talada haysa oo runtii Codkii aanu siinay noogu abaal-guday inay Caruurtayadii Dugsiyada sarre ku jirtay Xabad la dhacaan, laakiin waxaanu leenahay wax weliba way dhacaan, waxaase noo balan ah Maalinta shantaada sanadood dhammaato ee shacbiga reer Somaliland aad mar kale hor timaadaan idinkoo Cod raadinaya.”Ayuu yidhi Mustafe Cumar Saajin.

Waxa kale oo Madashaas fadhiyey Dhalinyaro kale, kuwaasoo caddeeyey inay dareen ahaan la qabaan waxa labadaas Dhalinyarada ahi ku hadleen, isla markaana aanay jirin taageero loo hayo Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadiisa ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo.