War Deg Deg: Taliyihii Booliska Marxuum Saqadhi Oo Geeriyooday

2
801

Saqadhi dubadDubai(Geeska)-Alle haw naxariste waxa saaka waaberigii cisbitaal ku yaala dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday taliyihii Booliska Somaliland Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad.

Marxuumka oo muddooyinkan dambe ay dhakhaatiirtu la tacaalayeen xanuun ku soo booday, waxa uu muddo yaalay magaalooyinka Addis Ababa iyo Djibouti, waxaana loo gudbiyay dalka Imaaraadka Carabta oo uu xalay ku geeriyooday. Alle haw naxariisto Marxuum Maxamed Saqadhi Dubad oo ahaa masuul xil iska saaray horumarinta ciidamada Booliska Somaliland oo uu wax la taaban karo ka qabtay muddooyinkii kala duwanaa ee uu xilka hayay. Alle haw naxariiste Marxuum Saqadhi, waxa la filayaa in maydkiisa la keeno magaalada Hargeysa.

Haddii aanu nahay bahda Wargeyska Geeska Afrika, waxaanu tacsi u diraynaa guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu marxuumku ka geeriyooday. Alle haw naxariisto.

Wargeyska Geeska Afrika

Comments are closed.