Mujahid Cali Guray Oo Dhaliilay Xeerka Diiwaangalinta Muwadinka Ee Madaxweyne Silanyo Dhaqan Galiyey

0
518

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamemd Yuusuf (Cali Guray) ayaa waxa uu dhaliilay Xeerka Diwaangelinta muwaadinka ee uu Madaxweynuhu Doraad hirgeliyay,  waxaanu  Xeerka iyo Xukuumadda ku sifeeyay in aanay ka muuqan daacadnimadii hawshaasi u baahneyd.     Guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa  sidoo kale sheegay in aanu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), aanu daacad ka ahayn inay Doorasho dalka ka dhacdo, waxaanu yidhi sida uu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebook ”Diiwaangelinta Muwaadiniintu sida ay Xukuumaddu wax u waddo lagama yaabo in wax natiijo ah oo wax ku ool ihi ay ka soo baxdo. Waxad moodaa in marka hore ba aan daacad laga ahayn ee ujeedooyin kale oo qarsoon laga leeyahay. Ujeedooyinka iyo qorsheyaasha hawshan marna si fiican oo qeexan oo la fahmi karo laguna kalsoonaan karo looma sharxin hadana wax wal oo kale ba waxad moodaa in mudnaanta laga siinayo marka lagu daro Doorashooyinka ka dambe mudaysan ee Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo dhamaystirka arimaha ka qabyada ah sida Diiwaangelinta Cod bixiyayaasha, iyo Shuruuucda dhiman Iyo xataa farsamo ahaan labada Doorasho sida mar loo wada qaban karo, Waxa kale oo iyana la sheegayaa in  Kabka Dawladdaha Hoose la odhan jiray la joojiyay oo lagu wareejiyay Guddida Diiwaangelinta Muwaadiniinta kuwa loogu yeedho si loogu khasiro hawshan aan si fiican loogu qeexin Shacbiga ee wada Guddida iyo magacaabisaha iyo wareegtooyinka keliya uun ilaa hadda ah” Cali Guray waxa  uu intaas  ku  daray “Mashruucan kaalmo Dibadeed looma helin inta aan ogahay haddii ay mid Maaliyadeed tahay iyo haddii ay mid Farsamo tahayba.

Marka aynu arimahan eegno waayo aragna u nahay hab haqanka iyo malo awaalada mararka qaarkood waalida ah ee siyaasiyiinta caydinka iyo cago baruurada ah ee Madaxtooyada ka tirsan iyo inta ka ag dhaw waxay xoojinaysaa marka hore shakiga dad badan ku jira oo ah in aanu Madaxwayne Siillanyo daacad ka ahayn in dalka ay Doorashooyin ka qabsoomaan xiligii loogu talogalay, taas oo oo waa marka labaad ee haddii ay jirto uu Madaxwaynaha laftiisu isku beeninayo wacadkii uu galayna kaga baxayo ilayn waa kii hore u cadeeyay in marka ay muddo xileedkiisu dhamaado aan maalin loogu dardoonina. Ilaahow haa iyo maya meel ha nagaga wada yeedhsiin”.