Xildhibaan Rayte Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Xeerka Muwaadinka Ee Madaxweynuhu Dhaqan Geliyay

0
570

Picture1Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo difaaca ee golaha wakiilada xildhibaan Ibrahim Jaamac Rayte, ayaa sharci darro ku tilmaamay xeer uu madaxweyne Siilaanyo toddobaadkan soo saaray oo ku saabsan diiwaangelinta muwaadiniinta.

Xildhibaanka oo shalay saxaafadda la hadlay wuxuu madaxtooyada ku eedeeyay inay la wareegtay shaqadii golaha wakiilada.  “Waxan ku tilmaami karaa nadiib darro in madaxtooyadu la wareegtay hawshii xeer dejinta, beryahanba waanu maqlaynayey in wasaaradda Daakhiligu  ay waddo Diwaangleinta madaniga ah, waxase aanu filaynay in xeerkii Diiwaangelinta madaniga golaha la keeno si loo ansixiyo diiwaangleintana loogu dhaqo xeerkaas Golaha ka soo Baxa, waxase muuqata in laga maarmay Hay’adihii  Xeer-dejinta, sababtoo ah waxa  halkan yaalla xeer uu soo saaray madaxweynuhu oo jidaynaya diiwaangelinta madaniga ah.” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Rayte, waxaanu intaas raaciyay  “Madaxweynaha iyo wasiirku way soo saari karaan xeer nidaamiye laakiin waxay soo saari karaan marka uu jiro xeerkii la nidaaminayey ee Golayaashu sharcidejintu ay soo saareen, waxana uu noqon karaan nidaam lagu dhaqan gelinayo  xeerka ka soo baxay labada Gole, madaxweynuhunna uu saxeexay oo sharci ah oo uu amrkaa xeerkaasi awood u siiyo madaxweynaha ama wasiirka inuu soo saaro Xeer-nidaamiye uu ku dhaqangelinayo.”

Wuxuu sheegay xildhibaanku inaanay suurtogal ahayn in madaxweynuhu soo saaro xeer nidaamiye, iyadoo aanu jirin xeerkii diiwaangelintu, “Maanta waxa muuqata iyadoo aanay jirin xeerkii diiwaangelinta madaniga ahi in madaxweynuhu soo saaro waxa lagu magacaabay xeer-nidaamiyo oo run ahaantii ah xeerkii Baarlamaanku ansaxin lahaa, waanan akhriyey  oo ma jiro wax xeer ah oo xeerkani nidaamimayo oo uu tixraacayo, arrintaasna waxad mooddaa in loo hoosgeliyey, waayo dhaqan uma lahayn inuu soo saaro xeer aanu Baarlamaanku ansaxin, waxana aanu ugu baaqaynaa inuu xeerkaas la noqdo oo la hor keeno Golaha wakiillada.”

Isagoo xildhibaanku ka hadlaya diiwaangelinta wuxuu yidhi “Diiwaangelinta Madaniga ah wax ka dhalanaya talaabooyin sharci ah, balse  hadii aanay aasaaskoodii hore aanu sharci ku ssalaysnayn ma yeelan doonaan awood sharci oo dadka ku waajibinaya in tallaabooyinka  loo baahan yahay ay fuliyaan.”