Ganacsade Cali Cumar Guuleed Oo Hambalyo U diray Shirka Beelaha Arab Ee Bailgubadle

0
555

Picture3Hargeysa(Geeska)-Ganacsade Cali Cumar Guuleed, oo ah mulkiilaha hoteelka caanka ah ee Guuleed Hotel, ayaa hambalyo u diray shirweynaha Beelaha Arab ee shalay ka furmay magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd. Cali Guleed, oo shalay u waramay saxaafadda, wuxuu ergada shirka ka qayb galaysa u rajeeyay in shirku ku dhammaado guul, “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shirweynaha Beelaha Arab, waxaanan u rajaynayaa inuu walaalahayo ilaahay shirkooda ugu dhammeeyo guul iyo wanaag.” Ayuu yidhi Cali Cumar Guuleed, isagoo intaas raaciyay, “Ergada shirka ka qayb galaysana waxaan iyagana u rajaynayaa wanaag iyo horumar in shirku ugu dhammaado, waxaanan Alle SWT ka baryayaa inuu shirkaas ka dhigo kii’ guulaysta, waxaanan u rajaynayaa guud ahaan shirka horumar iyo barwaaqo.” Sidas ayuu Cali Cumar ku soo koobay hadalkiisa.