Mujaahid Yurub Abiib Oo Iska Casishay Xilkii Ururka Now

0
604

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiye Ku-xigeenkii Ururka Haweenka Qaranka Somaliland ee NOW, Yurub Abiib Cabdi,   ayaa sheegtay inay gabi-ahaanba iska casishay xilkii iyo xubinimadii ururkaas, waxaanay u mahadcelisay xubnaha ururka ee xilligii ay xilkan u tartamaysayna u coddeeyay. “Waxaan halkan  ka shaacinayaa inaan iska casilay xilkii aan u hayay ururka haweenka qaranka ee NOW iyo xubinimadii ururkaas ayaa halkaas igaga dhintay oo aan iska casilay, anigoo aan xilkaas ku iman magacaabis ee u tartamayay,”ayay tidhi Yurub Abiib oo maanta shirjaraa’id ku qabatay magaalada Hargeysa, waxaanay intaas ku dartay; “Waxaan halkan uga mahadcelinayaa hablihii ii coddeeyey iyo kuwii iga coddeeyay labadaba.” ayay tidhi.

Waxa kaloo ay u mahadcelisay Guddoomiyihii ururka NOW, Xaliimo Xaaji Cabdi oo ay xustay inay muddo laba sannadood iyo dheeraad ah wada shaqeynayeen. Sidoo kalena waxay sallaan hawada u marisay haweenkii gobollada Somaliland u kala joogay ururkaas ay madaxda ka ahayd ee ay ka baxday.

Marwo Yurub Abiib oo la weydiiyay inay ku jirayso xisbal-xaakimka KULMIYE oo ay ka tirsan tahay iyo in kale, waxay ku jawaabtay; “Xisbiga KULMIYE ayaan ku jiraa golihiisa dhexe iyo guddidiisa fulintaba, laakiin KULMIYE inaan ku sii jirayo iyo inaan ka baxayo, waxaan ku sheegi doonaa wareysiyada dambe. Anigu waxaan ka tagey ururka NOW oo aan  booskaas ku qanci waayay oo wax I qanciyana ka arki waayay ayaan iskaga casiley.”