Guddiga Dhaqaalaha Ee Wakiilada Oo Si Adag Uga Jawaabay Cabashada Shirkadaha Laydhka Ee Kootada

0
569

Hargeysa(Geeska)-Guddiga Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa qoraal ay ka soo saaray cabashadii ay Shirkadaha Laydhka ee Somaliland u gudbiyeen Golaha wakiilada.

Shirkadaha cabashada soo qoray ayaa sheegay in Wasaaraddu samaysatay nidaam ay jeebkeeda kala soo baxday oo ay ku kala faquuqayso ganacsatada laydhka sidoo kalena ay ku qaadayso lacago culays ku ah oo aan Golaha Wakiiladu oggolaan. 

Guddiga oo la kulmay shirkadihii cabashada u soo qoray iyo Wasaaradda Macdanta iyo tamarta ayaa qoraalkooda ku deedafeeyey, sharci darrona ku tilmaamay nidaamka ay shirkaduhu ka cawdeen sheegayna inaan la qaadi karin takaaliif aan Golaha Wakiiladu ansixin.  Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen inay shrci ku tumasho tahay in la sameeyo xeer hoosaadyo ka hor imanaya mabaadi’da Dastuuriga ah ee Suuqa Xorta ah.

Guddigu waxay qoraalkooda ku iftiimiyeen inay “isla qireen inaan lagu dhaqmi karin  amar, xeer hoosaad ama habraac kasta oo ka hor imanaya mabaadi’da Dastuuriga ah ee Suuqa Xorta ah iyo Jideynta Takaaliifta ee uu gaarka uu u leeyahay Golaha Wakiiladu”.

Dhanka kale, waxay Wasaaradda ku adkeeyeen inay ilaaliso cadaaladda ganacsatada dhexdooda iyagoo qoraalkooda ku muujiyey “In dhammaan Shirkadaha maalgashiga sameeyey si siman loola dhaqmo, inta uu ka soo baxayo Xeerka Korantadu, si ay u tayeeyaan tamarta laydhka si macaamiishu u hesho laydh jaban, tayo leh oo joogto ah”.

Ganacsatada laydhka ayaa in muddo ahba ka cabanayey in Wasiirka Wasaaradda Macdantu kala faquuqo ganacsatada isla markaana xaniibaado u samaystay uu si gaar ah ula beegsado qaybo ka mid ah ganacsatada laydhka. Waxaa kale oo ad loo qayliyey lacago Wasaaradda Macdantu ka gurto ganacsatada oo aan sharci ahayn.