Somaliland oo Djibouti kaga Qaybgashay Shir Dalalka Geeska Afrika Ay Kaga Hadlayeen Kaluumaysiga Sharci Darada

0
542

Jabuuti(Geeska)- Waxa dalka Jabuuti ka qabsoomay shir ku saabsan sidii looga hortagi lahaa kaluumaysiga sharci darada ah ee badaha dalalka Geeska Afrika.

Shirkan ay isugu yimaadeen dalalka wadaaga geeska Afrika ayaa sida oo kale lagaga hadlay sidii si wanaagsan loogu maamuli lahaa maraakiibta haysta ruqsada kaluumaysiga, waxaana laysku dhaafsaday macluumaad.

Fu'aad Cabdisalaan Axmed agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga  iyo khayraadka badda Jamhuuriyada Somaliland oo ka hadlaayay shirkaas iyo waxii lagaga wada hadlay waxa uu yidhi " Waxaan hoggaaminayay wafti ka yimi Somaliland oo isugu jiray wasaarada kaluumaysiga iyo ciidanka bada Somaliland, waxaanu halkan u nimid kulan aqooneedkan ay isugu yimaadeen wadamada Igad kaas oo ay kaga hadlayeen sidii loo xoojin lahaa hawshan kaluumaysiga iyo sidii looga hortagi lahaa kaluumaysiga sharci darada ah."

Inta badan waxa badaha geeska Afrika ka dhaca kaluumaysi sharcidaro ah kaas oo inta badan ay sameeyaan doomo iyo maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye.