Dawladda Somaliland Oo Gobalka Sool Ka Soo Qabtay Sarkaal La Sheegay Inuu Ka Tirsanyahay Kooxda Al-Shabaab

0
529

Picture9Hargeysa(Geeska)-Dawladda Somaliland ayaa deegaanka xidh-xidh ee bariga gobalka Sool ka soo qabatay sarkaal lagu xidhiidhinayo inuu ka tirsanyahay madaxda Al-Shabaab, kaas oo bilihii u dambeeyay deegaanadaas ku sugnaa.

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdilaahi Maxamed Axmed (Carabay), waxa la soo qabtay habeen hore, waxaana shalay gabal dhicii la keenay magaalada Hargeysa iyadoo aad loo ilaalinayay. Ninkan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Sool, waxa la filayaa in maxkamad lagu soo taago magaalada Hargeysa.

Hay’adaha ammaanka Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino qabashada ninkan ayaanay noo suurtogelin, waxase jira warar sheegaya in sidoo kale ninkan loo haysto dilalkii qorshaysnaa ee ka dhici jiray magaalada Lascanod ee gobalka Sool, kuwaas oo lagu beegsan jiray madaxda dawladda Somaliland ee gobalkaas ku sugan. Waxa iyaguna jira warar sheegaya in ninkan oo sannad ka hor ka soo goostay kooxda Al-Shabaab oo muddaba dhulkaas Xidh-xidh ku dhex wareegayay ay xukuumadda Somaliland si weyn ula socotay dhaqdhaqaaqiisa islamarkaana la qorsheeyay sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa