Mujaahid Xasan Guure Oo Si Kulul U Weeraray Mudanayaasha Golaha Guurtida

0
594

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha madasha wada tashiga Md. Xasan Guure Jaamac, ayaa si kulul u weeraray inta badan ee xildhibaanada golaha guurtida, isagoo sheegay in 12 xubnood ka noolyihiin 82-kii xildhibaan ee markii u horaysay ka mid noqday golaha guurtida.

Md. Guure, oo khamiistii hadal ka jeediyay kulan ay qabsadeen isbahaysiga xisbiyada mucaaradka iyo madasha wada tashiga, wuxuu sheegay inaan golaha guurtida lagu aaminayn muddo kordhin ay u sameeyaan xukuumadda.  Ugu horayn Xasan Guure oo ka hadlaya tallo qaran oo uu Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay, wuxuu yidhi “Talada qaran ma aha sida madaxweynuhu maalintii dhayeyd ee uu hadlay yidhi ee ahayd sida odayaasha suuqa joogaa yidhaahdaaan ma aqbali doono dalkuna khalkhal buu galayaa.”

Isagoo ka hadlaya golaha guurtida wuxuu yidhi “Gguurtida aynu ognahay xaalkeedu halka uu marayo, ee 82-kii aynu soo dhisnay 12-ku ka nool yihiin oo 70- saleebaan Gaal ku jiraa dhaxalka yihiin oo ay kamidka yihiin Qaar cilaajyo ku jiraa oo ay kamid yihiin rag loo aamini waayey Biilkii Carruurtooda inay qaadaan oo Maxkamaddu tidhi dumarkooda halloo dhiibo, muddo ay kordhiyaan Rag caynkaasina ku eegi mayno, intaanu hore ugu eegaynayna dib ugu eegimayno.”

Wuxuu aad u dhaliilay in talada qaran lagu koobo labada gole baarlamaan,  “Talada Qaranku labada Gole iyo intii markii horeba Habsaamisay doorashadu inaad wada-gashaan, Haddii ay wax hagaajinayaana markii hore ayey qaban lahaayeen maantana weydin soo dhaaftay.”