Marxuum Cilmi Kabaal Oo Maydkiisa Maanta La Keenayo

0
564

Picture4Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa maanta magaalada Hargeysa la keenayaa maydka taliyihii hore ee ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo dhawaan ku geeriyooday wadanka Talyaaniga.

Guddi uu Madaxweyne Siilaanyo u saaray qaban qaabada aaska marxuumka, ayaa sheegay in maydka marxuumka madaarka Hargeysa laga soo dejin doono barqada maanta, waxaana isla maanta lagu aasi doonaa oo maydkiisa la gayn doonaa xabaalaha magaalada Borama oo uu marxuumku ku dardaarmay in lagu aaso. Alle haw naxariiste Marxuum Cilmi Kabaal ayaa laba goor noqday taliyaha guud ee ciidanka Booliska isagoo ka qayb qaatay dhismaha ciidanka Booliska iyo weliba nabadayntii beelaha Somaliland. Alle haw naxariisto Marxuum Cilmi Rooble Furre oo sidoo kale ahaa suldaan ka mid ah salaadiinta reer Somaliland.