Mujaahid Xasan Guure Oo Cambaareeyay Dad Golahooda Taageersan Oo Abdaal Lagu Xidhay

0
532

Picture4Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac,ayaa canbaareeyay muwaadiniinta lagu xidh xidhay deegaanka Abdaal ee gobalka Saaxil iyaga oo dareenkooda cabiraaya,waxaanu sheegay in wasiirka arimaha gudahu uu u balanqaaday inay siidaynayaan dadkaas maanta,waxaanu sheegay in wasiirka dadkaas uu ku tilaamay inay rabshado sameeyeen.

Sida oo kale guddoomiyaha golaha toosinta Muj.Xasan Guure waxa uu sheegay inay magacaabeen guddi ayna war maanta ku celinayaan salaadiintii dhex dhexaadinaysay iyaga iyo madaxweyne Axmed Siilaanyo,isaga oo ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah sii baxiyo.

Waxauu sidan Muj.Xasan Guure ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay siiyay wargeyska Geeska Afrika. waxaana wargeysku ugu horayntii uu gudoomiyaha golaha waydiiyay sida uu u arko dadkaas lagu xidh xidhay Abdaal waxaanu yidhi  “ Dadkaas waxaanu isku ognahay inuu wasiirka daakhiligu sii daayo maanta, in la xidho dad rayigooda cabiraayayna aad iyo aad ayay u qaldantahay oo waliba nabad galyo ku cabiraayay waana arin ay xaq u lahaayeen oo dastuurka ayaa u banaynaaya,inuu rabashad gaysto uun baa qofka ka reeban,cid kasta oo sharci daro lagu xidhay ama la cabudhiyay waanu canbaaraynaynaa.” 

Sida oo kale wargeyska  Geeska Afrika waxa uu gudoomiyaha golaha wada tashiga uu waydiiyay inay saareen xubnahii uga qayb gali lahaa kulanka madax weynaha ay la yeelan doonaan waxaanu isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi “Gudidii waanu saarnay haddii alle yidhaadana ilaabari(Maanta) ayaa laga yaaba inaan jawaab ku celino qoladii salaadiinta ahayd,waana arin socota waxii war ah ee ku saabsana ka sii hor dhacimaayo.”