Soomaaliya Oo Dalka Sudan Ku Qancisay In Gacanta Loo Galiyo Deeqaha Waxbarasho Ee Somaliland La Siin Jiray

3
569

Picture5Khartuum (Geeska)- Wargeyska Geeska Afrika ayaa ogaaday in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan ku guulaysatay in ay wasaaradda tacliinta sare ee dalka Sudan ku qanciso in dawladda Muqdisho loo gacan geliyo maamulka deeqaha waxbarasho qaybtii hore sida tooska ah loogu qoondayn jiray ardayda reer Somaliland. Sida ku cad dhukumantiga uu helay wargeyska GeeskaAfrikaoo ka kooban saddex warqadood oo ah qodobada (Minitus) lagaga wada hadlay kulan afar maalmood qaatay oo 21kii illaa 24kii bisha July 2013ka ay yeesheen masuuliyiin ka socota wasaaradda arrimaha bulshada iyo horumarinta ee dawladda F. Soomaaliya oo uu hor kacayo agaasimaha guud ee waaxda tacliinta sare iyo waxbarashada dibadda Ismaaciil Yuusuf Cismaan  iyo wasaaradda tacliinta sare ee Sudan, waxaa si weyn la isula lafa guray codsi ka yimi dawladda Federaalka ah oo ahaa in dalka Sudan uu kordhiyo tirada ardayda Soomaalida ah ee uu u fidiyo deeqaha waxbarashada, in dalka Sudan uu Soomaalida siiyo deeq waxbarasho oo ah shahaadooyinka sare ee heer jaamacadeed gaar ahaan (PhD), in Sudan ay tababar iyo tayo dhis u samayso ardayda Soomaalida ah ee dalkeeda wax ku soo barta, in la kordhiyo tirada deeqaha waxbarasho ee dhinaca Sayniska iyo arrimo kale oo muhiim ah.

 

Kulanaddan ayaa kii labaad oo ay ka qayb galeen xoghayaha guud ee wasaaradda tacliinta sare iyo cilmi baadhista ee dalka Sudan iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal ayaa wax yaabaha uu ku dooday wasiirka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya ay ka baxday waqtigii ku-meel-gaadhka taasina ay keenayso in tacliinta sare iyo arrimaha la xidhiidha ay si toos ah oo buuxda u hoos tagayaan wasaaradda dawladdiisa arrimahaas u qaabilsan, sidaa awgeed ay muhiim tahay in la mideeyo dariiqa uu dalka Sudan u marayo ardayda uu siinayo deeqaha waxbarashada.

Prof. Cabdalqaadir Maxamed Xasan oo ah agaasimaha guud ee xidhiidhada dibadda iyo tababarrada u qaabilsan wasaaradda tacliinta sare ee dalka Sudan oo ka jawaabaya dalabka wasiirka Soomaaliya aa dhinaciisa ku dooday in duruufihii hadda ka hor ka jiray Soomaaliya ay ku kallifi jireen in ay deeqaha waxbarasho si toos ah u siiyaan ardayda ka imanaya waxa uu ugu yeedhay gobollada kala duwan ee Soomaaliya iyo dawladda ku-meel-gaadhka ahayd ee Muqdisho mid kasta gaarkiisa, laakiin imika maadaama oo nidaamkii dawladnimo ee Soomaaliya uu cago dhigtay in aanay waxba ka qabin in la mideeyo oo deeqahaas la soo mariyo wasaaradda arrimaha bulshada iyo horumarinta ee Soomaaliya oo iyadu qaabilsan waxbarashada.

Sida ku cad qoraalka uu helay wargeyska GeeskaAfrika kulankii saddexaad ee dhex maray labada dhinac oo markan ku koobnaa guddiyadii farsamo ee labada dhinac waxa uu dhinaca Soomaalidu ka hadlay in loo kordhiyo tirada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho, isla markaana si rasmi ah loogu soo wareejiyo gacan ku haynta iyo maamulka deeqihii waxbarasho ee hore loogu talo geli jiray Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, oo dhammaan laga dhigo deeqo waxbarasho oo la siiyey jamhuuriyadda federaalka Somaliya. Dalabkaas oo sida muuqata qaybtiisa dambe ay dawladda Sudan ka aqbashay masuuliyiinta dawladda Federaalka ah, waxa ay ka cudur daaratay qaybta hore ee ah in la kordhiyo tirada ardayda iyo in ardayda hadda dalkaas ka wada deeqo waxbarasho oo ah shahaadooyinka Diploma loogu beddelo waxbarasho ah shahaadada koowaad ee heer jaamacadeed.

Dabayaaqadii kulankan waxaa waftiga dawladda Muqdisho lagu wareejiyey shax ay ku caddahay qaabka loo qaybiyey ardayda Soomaalida ah ee sannad dugsiyeedkan 2013ka/2014ka uu dalka Sudan siinayo deeqaha waxbarasho, kuwaas oo lagu calaamadiyey in ay tahay deeq la siiyey jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somaliya.

Ugu dambayntii wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Somaliya waxa uu la kulmay wasiirka waxbarashada iyo barbaarinta dalka Sudan Marwo Sucaad Cabdarazaaq oo la sheegay in ay ka wada hadleen aqoonsiga shahaadooyinka Soomaaliya iyo qaabka ay dawladdiisu ka rabto dalka Sudan in uu ula macaamilo, u tix raaco uguna kalsoonaan karo iyo weliba in dalka Sudan uu gacan ka geysto sidii loo midayn lahaa manhajka waxbarasho ee Soomaaliya.

Arrintani waxa ay caqabad ku noqon doontaa tobanaan arday reer Somaliland ah oo sannad kasta deeqo waxbarasho ku tegi jiray dalka Sudan iyaga oo si toos ah loogala macaamilayo wasaaradda waxbarashada iyo tacliitna sare ee dalkooda Somaliland, waxa ay sidoo kale khatar ku tahay shahaadooyinka dugsiyada sare ee Somaliland oo uu dalka Sudan intii muddo ah si toos ah u aqoonsanaa una qaabili jiray ardayda sidata.

Comments are closed.