Kooxda Khaatumo Oo Qorshaynaysa Inay Shir Ku Qabato Degmada Taleex

1
450

Picture3London (Geeska) – Kooxda la baxday Khaatumo State ee ka dhaqdhaqaaqda deegaanada bariga Gobolka Sool iyo Buuhoodle, ayaa bisha siddeedaad ee fooda inagu soo haysa shir ku qabsanaysa degmada Taleex ee Gobolka Sool ee Somaliland.

Kooxda Khaatumo oo ka cadhootay Maleeshiyaadkii faraha badnaa ee dhawaan ka soo goostay, ayaa sheegay inay shir maamul ku sheeg cusub lagu soo dhisayo bisha dambe uga furmayo Magaalada Taleex, waxayna qurba-joogta ka codsadeen inay dhaqaale ku taageeraan.

Wasiirka Difaaca kooxda la baxday Khaatumo oo ka hadlayay kulan qurba-joogta taageertaa ay ugu qabteen Magaalada London ee caasimadda dalka boqortooyada Ingiriiska, ayaa qurba-joogta ugu baaqay inay gacan ka geystaan shir ay ku qabanayaan Magaalada Taleex ee Gobolka Sool “Waxa la yidhi farihii dufan leh baa wax duuga, idinku (Qurba-joogta) waa inaad noqotaan dad ay ku dhaaban tahay Khaatumo, oo isbarbar taaga shirwaynaha aynu samaynayno, yeynaan u kala maqnaan oo aynu dhaqaalaha ku taageerno” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxaynu dhisaynaa dawladdii rasmiga ahayd, waayo tii hore ku meelgaadh bay ahayd, waar markaanu idiin yeedhno (Qurba-joogow) noo yimaada, waayo shirkii Taleex anaga oo joogna ayuu mar kaliya shidaalku naga go’ay”

Cabdilaahi Daarood, oo isna ka mid ah qurba-joogta kooxda Khaatumo la baxday, ayaa isaguna halkaasi ka sheegay weedho hanjabaad ah  “Waxaanu 21 sanadood la dagaalaynay dawladda Ingiriiska anaga oo waran iyo toorey haysana, maantana ka waran annagii oo haysana adeegyadii (Hubkii), waar ooyi doonow aayar joog” ayuu yidhi

Comments are closed.