Mujaahid Xamarji Oo Soo Dhaweeyay Is Casilaada Samaale Iyo Abiib Timacad, Kana Hadlay Xaaladda Tiyaatarka Hargeysa

0
529

xamarjeHargeysa (Geeska)-Guddoomiyihii hore ee Gobolada Maroodi-jeex iyo Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), haddana ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ee Waddani,  ayaa si adag u dhaliilay Xukuumadda taladda dalka haysa ee Axmed Siilaanyo, waxaanu tilmaamay in Madaxweynuhu si badheedh ah u fuliyey waxyaabo badan oo uu ku dhaliili jiray Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin.

Axmed Cumar Xamarje oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey, ayaa sidoo kale  soo dhaweeyey is casiladii Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, oo ay ka mid yihiin Wasiirkii Maaliyadda iyo Wasiirkii Wershadaha.

Waxa kale oo uu ka hadlay rabshadii ka dhacday Tiyaatarka Hargeysa.

Xamarji ugu horayn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Madaxweynuhu markii uu Mucaaradka ahaa aad ayuu u dhaliili jiray Xukuumaddii hore, waxa uu ku dhaliili jiray waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tirade fara badan ee Wasiiradda, waxa uu ku dhaliili jiray dib u dhaca Doorashada, markaas in Maanta Wasiiro aad u tiro badan la magacaabo waa mid aad loola yaabo, in Wasiiraddan la magaacabay Xukuumaddu is tidhaahdo waxa aad ku raaligelinaysaan ama aad ugu jawaabaysaan tabashadii reer Awdal, in masuuliyiintaas loo magacaabay waxba kama jiraan, markaas waxa aan leeyahay Madaxweyne waxa aad dhaliili jirtay wakhtigii Mucaarad aad ahayd, in si badheedh ah u sameeyso waa laga fiican yahay, taladda dalka adiga ayaa haya, Doorashadiina wakhti yar ayaa ka hadhay, markaas waxa aan ku leeyahay Madaxweyne sharaftaada, karaamadaada iyo sumcadaada ilaasho oo Doorashada wakhtigeedii ku qabo haddii kalena xilka iska casil.” Ayuu yidhi Xamarji.

Mujaahid Xamarje ayaa mar uu ka hadlaayey isku shandhaynta, xil ka qaadista iyo magacaabista Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa  yidhi “Isku shandhaynta lagu sameeyey Xukuumaddan, ee ka soo baxday Madaxtooyada mid loo maray sifo sharciya maaha, maxa yeelay Astaankii Madaxweynuhu kama muuqato, Afhayeenkii kuma saxeexna, Madaxtooyadana hore ayaan u dhaliilay oo waxa ka jira isku dhex yaac aad u fara badan, oo waxa ka jira nidaam xumo, Madaxweynuhu dalka magac ayuu ku leeyahay, oo wuu u soo halgamay, muddo dheer ayuu joogay, ee waxa qurux badan inuu intaas ka hadhay muddo xileedkiisa inuu sharaftiisa ilaashado, oo sharciga ilaaliyo,hoosna u eego waxa ka jira Madaxtooyada”.

Axmed Xaaji Cabdilaahi Cumar Xamarje oo ka hadlay is casilaada qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumaddan ayaa yidhi “Waxa aan aad u soo dhaweeynaya oo aan hambalyeynayaa is casilaadii Cabdicasiis Samaale iyo Abiib Timacad, iyo sidoo kale la taliyaha Madaxweynaha, maxaa yeelay sababta ay isku casileena waxa ka mid ah nidaam xumada iyo qorshe xumada Xukuumadda iyo sida aan wacnayn ee wax loo maamulay.”

Axmed Xamarje ayaa mar uu ka hadlaayey iska hor imaadkii ka dhashay Tiyaatarka Hargeysa yidhi “Wakhtigii aan anigu ahaa Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, waxa dhacday in sidan oo kale khilaaf uga dhashay Tiyaatarka, wakhtiigaas Guddi ayaa loo saaray, Guddidaas waxa ku jiray aniga oo ahaa Guddoomiyaha Gobolka, Jiciir iyo Uurcadde oo iyana wakhtigaas ahaa Maayar iyo Maayar ku xigeenka Caasimadda, waxaana Guddoomiye noo ahaa Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, khilaafkii waanu soo afjarnay, oo tukaamo laga hor dhisay dhismaha Tiyaatarka waanu baabinay, markaas in Maanta dib loo soo cusboonaysiiyo khilaafkii oo muwaadiinkii Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale siisay in xaqiisii la duudsiyo maaha wax haboon, in Madaxtooyada waraaqo laga soo saxeexdo, oo sifo sharci daro ah loo maro maaha, ee waxa aan Madaxweynaha ugu baaqaya in aan wax la hoos dhigin, oo dad sharci daro wadaa aanu waxba u saxeexin”.

Axmed Xaaji Cabdilaahi Cumar Xamarje ayaa mar uu ka jawaabayey hadal  uu kaga hadlaayey Culimada dalka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa yidhi   “Culimada waxa aan ka raaligelinayaa hadalkii Guddoomiyaha XIsbiga Kulmiye ka sheegay, hadalkaas oo ahaa mid aan qaban Culimada, waxaana leeyahay hadalkaasi maaha hadal uu ka soo yeedho Nin Masuul ah.”