Siyaasadda Iyo Saxaafadda: Tee mudan? Maxamed X. Raabbi

7
935

Midi na ka ma mudna ta kale. Baahi gaar ah na waa ay isu qabaan. Ma kala maarmaan hawlahoodu. In ay saaxiibaan ama kala didaan se bulshada (dawladda iyo dadweynaha) danteeda ma aha. Hawlahooda qaran iyo gaar ba na u ma fiicna. Sababtu waa maxay?  Mar haddii ay qaybo mudan bulshada ka yihiin, xuduudo aanuu midkood na ka bixi karini  waa in ay jiraan. Waa na ay jiraan haddii sharcigu shaqaynayo. Siyaasiga iyo saxafiga ba xidhiidhkoodu waxa uu la mid yahay kan qasnaji iyo hubiyaha. Mid waliba hawlaha kan kale waa in uu ixtiraamaa, tixgeliyaa oo u fududeeyaa.

Hawlaha siyaasiga iyo kuwa saxafigu waa ay is dheelitiraan. Siyaasiga shaqadiisu waxa weeye  agaasimidda hawlaha dadnimo ee bulshadiisa. Saxafiga na shaqadiisu waxa ay tahay ka warqabidda dhacdooyinka maalmeed ee bulshadiisa. Kolkaas saxafigu waa in uu ogaadaa hawlaha siyaasadda iyo dhacdooyinka ay sababaan. Siyaasigu na go?aamada uu qaato dhacdooyinka ka dhasha, mid taban iyo mid toggan ba, in uu ogaado si weyn baa uu ugu u baahan yahay. Baahidaas na waxa dabooli kara saxafiga. Haddii ay labadu ba   xilkas yihiin, hogaaminta bulshadooda iyo hawlahoodu ba dhibaatooyin iyaga iyo bulshada ba waxyeelaa waa ay yaraanayaan.

Haddii aynu u fiirsanno bulshadeennan Soomaalilaand, siyaasiga iyo saxafiga waxa dhexyaalla dareen kala digtoonaani weheliso. Mid na ka kale ku ma kalsoona. In ay sidaas oo kale bulshaweynta adduunka ka jirto na waa suuragal. Sababto waxa ay tahay: dawladuhu wax baa ay qarshaan, gaar ahaan xilliyada ay dhibaatooyin bulsho jiraan, sida colaadaha ama dagaallada. Waxqariska dawladdu waxa uu ku suuragalaa go?aamo, ay tahay suxufiyiintu in ay ogaadaan. Haddii ay waxtar lee yihiin dhawraan; haddii se waxyeello wataan uga digaan dadweynaha.  Maxaa yeeley, dadweynuhu waa bulshada ay saxafiga iyo siyaasigu ba ku nool yihiin. Haddii ay bulshadaasi badbaadi weydo, iyagu na ma badbaadayaan. Hawlaha siyaasiga iyo saxafigu ba ma fududaanayaan. Waa se ay waxyeello badanayaan.

Haddii ay dawladdu  wax qariso iyada oo danta guud u adeegaysa, saxafiga waa ku dembe kashifidda waxaas qarsoon. Siyaasiga na waa ku dembe haddii uu qariyo wax danta guud ku lid ah. Awoodda siyaasiga waxa ku sidkan sharci seeteeya oo distoorku ugu mudan yahay. Madaxbannaanida saxaafadda na, distoorka ka sokow, waxa haga sharci in kasta ha furfurraado ee. Noolasha  Aadamaha mar walba sharci ayaa xukuma: mid Eebbe, mid dhaqan iyo mid ay golayaasha siyaasaddu sameeyaan. Dadnimada siyaasiga iyo saxafiga ba saddexdaasi waa ay saameeyaan. Haddii uu siyaasi ama saxafi saddexdaas xeer mid na ku dhaqmi waayo, dadnimadiisa waxa baa ka si ah. Waxa na uu ku fiiican yahay in hawlahiisu joogsadaan. “Weel muggii ma dhaafee, Allaw mooska ayaan jebin”.

Cilmiga siyaasadda iyo kan saxaafaddu ba waxa ay aqoonta aadamaha kaga jiraan kaalinta kuwaad. Ha se yeesho ee, qofkii baranayaa badi waa qof caadi. Ma aha cilmi u kaydsan in uu barto qofka  ugu maskax fiican bulshada.  Ma na ah hawlahooda in uu faraha la galo, qof aan dhaqan ahaan iyo cilmi ahaan ba u bislayni. Haddii se ay dhacdo in uu qof isku cidhiidhyo siyaasadda ama saxaafadda hawlahooda farsamo iyo dhaqan ba, waxa badi ba  dhacda gaboodfalyo ( ku xadgudubka xuquuqda wadaniga iyo shisheeyaha ba ) dad iyo dal ba gaasiriya.

Gaboodfalyadaasi maxaa ay noqon karaa? Waxa ay noqon karaan go’aamada dawladeed ama kooxeed ee aan dhaqanka iyo sharcigu mid na ogolayn; laakiin se ku salaysan danno gaar. Wax badso wax beel baa ay lee tahay. Inta badan dawladda uun ma qaldanto ama gefto. Qabiilka iyo xisbigu ba waa ay marin habaabi karaan. Danno gaar ah ayaa ay yeelan karaan; maxaa yeeley saddexda ba, kooxo bulshada ka mid ah ayaa ka taliya. Kooxaasi awood ay ku danaysan karayaan ayaa ay heleen. Markaas waxa bulshada iyo saxafiga ba ku waajibay feejignaan gaar ah.

Maxaa gaboodfalyda bulsho lagaga badbaadi karaa? Jawaab fudud oo sugan ma ahayo. Qayrkay in uu hayo na ma filayo. Waxa se aynu isla garan karaan in ay laga ma maarmaan tahay in uu sharcgu shaqeeyo oo ay bulshadu madax iyo minja ba cadaalad, cadaalad, cadaalad ay dugsato hesho.

Wargeyska HUBAAL sharci baa xidhay, gar iyo gar darro ba, Sharci baa na u hiilin kara. Marin kale oo cadaalad loo maraa ma furna. Marka cadaalad la waayo ama uu sharcigu shaqayn waayo, jidad taban,waxyeello weyn leh oo burbur dambe inoo horseeda ayaa khasab ku furmaya, qof jecel iyo mid neceb. Mid cadaaladdarro ku badhaadhay iyo mid ku saboolay ba. Dulmigu dugsasho ma laha: mid taliya iyo mid loo taliyo ba. Eebbeen ayaa aynu ka baryeynaa in aanay jidadkaas tabani innagu furmin oo colaaddarro mar labaad innagu bilaabmin!

Dhisme kasta mid muuqda sida saraha iyo mid aan muuqan sida ururrada bulshada, waxa uu u baahan yahay sees ama sal adag oo aan dhakhso ama hawlyari u dumin. Dhinaca bulshada, hawlaha salkaasi u baahan yahay na cadaaladdu  waa ka kow.  Cilmiga naafic ah iyo dhaqan suuban ayaa ku xiga.

 Haddii aynu dulmiga ka hiilin weyno, oo cadaaladda u hiilin weyno mar walba; in aynu dhisno bulsho caafimaad qabta oo nolol tayo leh, innaga iyo ubadkeennu ba ku helno, ha filin.

 

Maxamed X. Raabbi

Comments are closed.