Mujaahid Cali-Gurey Oo Ka Hadlay Qaadacaadda Madaxweyne Siilaanyo Ee Shirka Ingiriisku Qabanayo, Kana Dareen-celiyay Gabaygii Wasiir Xirsi Tiriyay

1
587

Picture7Hargeysa(Geeska)-Gudoomiye ku xigeena saddexaad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Muj.Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu madaxweyne Amxed Siilaanyo kaga gaws adaygay codsiga raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron isaga oo sheegay in Somaliland ay dhabarka u dhigan doonto waxii dhib ah ee ka yimaada.

Mujaahid Cali Guray waxa uu mawduuc xiisad abuuray ku tilmaamay gabaygii wasiirka madaxtooyadu uu ka tiriyay madashii madaxweynuhu uu kula kulmaayay qurbajoogta reer Somaliland, isaga oo sheegay in gabaygaas hanjabaadi ay ka muuqaatay madaxweynuuna dareen qosal leh kaga fal celiyay.

Mujaahid Cali Guray waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika, waxaanu isaga oo ka hadlaaya go’aanka madaxweynuu ku diiday doonista David Cameron uu yidhi “ Marka ugu horaysa go’aanka shirka London lagu diiday anagu madaxweynaha ka hor ayaanu sii taageernay, kolkii madaxweynuu cadeeyay in aynaan shirkaas ka qaybgalayna si buuxda ayaanu u taageernay, shirkaas in aynu ka qaybgalnaana nusqaan ayaynu u arkaynaa, in aynu diidnana sababo badan oo muhiim ah ayaa u sabab ah waxaana kow ka ah sharafta iyo karaamada shacbiga Somaliland oo wax walba ka qaalisan. Waa run kulanka madaxweynaha iyo David Cameron waa kulan taariikhi ah madaxweynuuna ma faah-faahin kulankaas codsiyadii ka yimi inay yihiin sida ay Somaliya ay uga soo qaybgalayso oo kale uga soo qaybgala Somaliyana haydiin guddoomiso iyo wararka ku tiri kuteenta nagu soo gaadhay ee ah inuu yidhi raysal wasaarahu si ka duwan sida Somaliya oo goob jooge ah, arintaana runtii madaxweynuu muu faah faahin. In aynu diidno oo aynaan shirkaas tagin waa sax, haddii laakiin layna yidhi goob jooge ahaan kaga soo qaybgala oo aynu diidnay dadka qaarkood waxay qabaan inay diblomaasi ahaan ay wax inoo dhimi karto, laakiin madaxweynuu danbuu sidan mooday waxii inagu soo gaadhana dabcan dhabarka ayaynu u dhiganaynaa oo odhana maayo waxba inaga soo gaadhi maayaan.”

Cali Guray oo aanu su’aalnay bal sida uu u arko dhaqdhaqaaqyada arimaha dibadda  ee haatan sida uu u arko waxa uu yidhi “ Soomaalidu waxay tidhaahdaa ( Wakhti waliba waayahiisa leh ) safaradan iyo casuumadahani maaha wax xukuumadani ay keentay waa mid ku timi is badal siyaasi ah oo ka yimi dunida, waxa kordhay doonitaankii ay dawladaha horumaray ay u qabeen geeskan Afrika iyo nabadayntiisa iyo dawladan Somaliya oo ay ina leeyahiin waxay ka baxday ku meelgaadhkii oo dunidu ay doonayso in dawladaas garbaha la qabto, arinka kale isbadalka ka qaybqaatayna waxa weeye dhaqaalahan dunida ee liic liicaya iyo dhulkan Somaliland iyo Somaliya oo shidaal badan lagu tuhunsan yahay, markaas dhaq-dhaqaaqyadani waa kuwo dunida ka yimi ee maaha kuwo inaga yimi.”

Ugu danbayntii Mujaahid Cali Guray waxa uu ka hadlay gabay dhawaan  wasiirka madaxtooyadu uu ka tiriyay kulan uu madaxweynuu la lahaa qurba joogta reer Somaliland ee London, waxaanu  isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi“ Arimahaas London ka dhacay runtii aad bay xiisad Somaliland uga abuureen, marka hore madasha uu Xirsi ( wasiirka madaxtooyada ) ka tiriyay gabaygaas ayaa ahayd mid madaxweynaha loo waabay oo uu dadkiisa kula kulmaayay, Afaraydan uu tiriyay anigu gabay odhan maayee oo waliba afaraydu waa ay sii kala qiimo badantahaye  mid buu Cabdi Iidan Sheegay la yidhaahdo Shooli Booli ( Afarlay halala soo shir tago Shooli Booli ah ) waa tan uu Xirsi tiriyay oo kale, dhinacyo badan ayay taataabanaysay runtii oo hanjabadaado iyo tahdiido ayaa ku jiray madaxweynahuna waa uu daawanayay waanu qoslayay, saacado gudahood ayaa lagaga soo jawaabay ( Wiilka Doobinaayoow dibso baan ku leeyahay ) aad baanan u hanbalyaynayaa ninka maansadaas soo tiriyay,  waxa uu yidhi Ismaaciil Hadhuudh ( Durbaan nin tuntaa ilaaq dalbay ee anaa is diloo duudsi baan ahay ) waxaan filayaa in maansadan ay ka curan doonto taxano dheer oo run iyo been dadku markhaati ay ka noqon doonaan.”

Comments are closed.