Abuu Mansuur Al Ameriki Oo Sheegay Inuu Dil Ka Badbaaday

0
659

 

Ninka ay dawladda Maraykanku ugu doon-doonista badantahay ee Abu Mansuur Al Ameriki oo loo yaqaano Cumar Xamaami oo u dhashay Wadanka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in uu ka bad baaday Isku day dil oo xubno ka tirsan Al Shabaaba ay doonayeen in ay isaga ku qaarajiyaan khamiistii.

Cumar Xamaami ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu soo baahiyay in kooxihii doonayay in ay dilaan rasaas ay ku fureen islamarkaana ay xabad ka sartay qoorta taasi oo aan dhibaato sidaa u weyn ku keenin.

Waxa uu tilmaamay in isku daygaasi lagu doonyay in lagu dilo uu dhacay galinkii danbe ee Khamiistii xilli uu fadhiyay goob shaaha lagu cabo. Laakiin ma sheegin goobta uu fadhiyay iyo halka ay ahayd.

Abuu Mansuur Al Ameriki ayaa Twitter-kiisa soo dhigay 4-sawir oo mid kamid ah uu muujinayo wajigiisa iyo qoortiisa oo dhiig leh islamarkaana shaadhkiisa uu dhiig ku daatay.