Fadhigii Baarlamaanka Somaliya Ee Shalay Loogu Balansanaa Mooshinkii Cali Khalif Watay Oo Si Kedis Ah U Baaqday

6
737

Picture6Muqdisho(Geeska)-Fadhigii Baarlamaanka wadanka Somaliya ee loo qorsheeyay in la horkeeno mooshin lagaga doodayo heshiiska ay Somaliland iyo Somaliya ku kala saxeexdeen wadanka Turkiga, ayaa shalay baaqday.

Fadhigaas oo ay ahayd in la horkeeno mooshinkaas oo uu dadka soo abaabulay ku jiro Dr. Cali Khaliif Galaydh; ayaa si kedis ah u baaqday, ka dib markii uu guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari, mudanayaasha u sheegay in fadhigaas loo baajiyay cabsi laga qabo inuu khilaaf ka dhex abuuro golaha. Shirguddoonku wuxuu sheegay inuu khilaaf soo kala dhex galay xildhibaanada mooshinka wata iyo xildhibaanadii la socday Madaxweynaha Somaliya ee wax ka saxeexay wada hadaladaas. Waxaanu intaas raaciyay in 2 bisha May uu Madaxweynaha Somaliya Baarlamaanka hortagi doono.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, wuxuu sheegay inay wada hadalo u socdaan labada garab ee Baarlamaanka Somaliya ee iskaga soo horjeeda mooshinkan. Mooshinkan ayaa waxa abaabulay xildhibaano u badan Beesha Daarood oo uu horkacayo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a Somaliweyn iyo midnimadii burburtay.Waxase ka horyimid xildhibaano kale oo u badan Beelaha Hawiye iyo raxanweyn iyo kuwo ka soo jeeda Somaliland oo ka mid ah golahaas, kuwaas oo sabab u noqday in fadhiga Baarlamaanku shalay baaqdo.

Comments are closed.