Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Tacsi U Diray Qoyska Uu Ka Baxay Cali Cabdiqaadir

0
631

Picture3Hargeysa(Geeska)-Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ahaa madaxweyne xigeenkii labaad ee soo maray Somaliland, ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo umadda uu ka geeriyooday Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax, oo toddobaadkan ku geeriyooday magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Marxuum Cabdiraxmaan Aw Cali, wuxuu sheegay in uu ka mid yahay ardaydii soo martay dugsigii sare ee Sheekh oo uu marxuumku macalin ka ahaa, “Anigoo ku hadlaya magaca qoyskayga iyo guud ahaan qoysaska reer Aw Cali Farax,  waxaan tacsi u dirayaa reer Cabdiqaadir Faarax, oo aan ka tacsiyadaynayo geerida ku timid Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax, marxuumkana waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aw Cali, oo qoraal kooban oo tacsiyadeed soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika.

Wuxuu intaas raaciyay Cabdiraxmaan Aw Cali, “Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax, wuxuu ahaa aqoonyahan iyo macalin soo barbaariyay arday badan oo reer Somaliland ah. Aniga iyo rag kale oo badan wuxuu macalin ugu ahaa dugsigii sare ee Sheekh, waxaanan si gaar ah u dareemayaa kaalinta ay geeridiisu reer Somaliland ku banaysay. Waxaan Alle ka baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo marxuumka, ehelka iyo qaraabada uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”