Hello; Madaxweyne

0
582

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xiisadii siyaasadeed ee ka taagnayd golaha wakiilada Somaliland, ayaa u muuqata inay mar kale soo laabanayso, ka dib markii ay burbureen wada hadaladii u dhexeeyay labada garab ee ka kala soda golaha wakiilada.

Laba guddi ayaa shalay ku dhawaaqay inay burbureen wada hadaladii, ka dib markii ay labada dhinac is mari waayeen. Labada dhinac waxay isu jeediyeen eedaymo kala duwan oo uu dhinac waliba dhinaca kale ku eedaynayo inuu masuul ka yahay burburka wada hadalada.

Marka laga tago doodaha iyo xaraarada golaha wakiilada oo mar mar la arko iyadoo sare u kacday, waa markii u horaysay ee uu khilaaf sidan u miisaan culusi ay xal u helistiisu wakhti intaas leeg qaadato. Sidoo kale waa markii u horaysay ee lagu kala kaco wada hadalo lagu xalinayay muran siyaasadeed oo dalka ka taagan, gaar ahaan khilaaf ka taagan golaha wakiilada, waxaanay arrimahan oo dhami muujinayaan halka uu marayo ficiltanka gudaha ee siyaasiyiinta Somaliland.

Waxase ka sakow ergaynta golaha guurtida la dareemayaa kaalintii xukuumadda amaba madaxtooyada Somaliland. Marka arrimahan oo kale soo kordhaan cidda koowaad ee xalinteeda majaraha u qaban jirtay waxay ahaan jirtay madaxtooyada Somaliland oo gacan ka helaysa golaha guurtida Somaliland. Labadii xukuumadood ee ka horeeyay xukuumadda wakhtigan talada haysaa, marka ay khilaafyo noocan ahi soo baxaan, xataa iyagoo dabada ka riixaya khilaafaadkaas, haddana waxay aakhirka u hawlgeli jireen sidii loo qaboojin lahaa inta aanay noqonin mindi mindi ku taag. Si kale haddii loo dhigo xukuumadihii hore waxa ku yaraa ficiltanka iyo loolanka, marka ay arrintu gaadho danta guudna waxay samayn jireen tanaasul taageero uu u soo kordhiyo mooyee aan waxba ka dhimi jirin.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo wakhtigan isagu mindida daabkeeda haya waxa waajib ku ah inuu ka shaqeeyo sidii khilaafkan loo damin lahaa inta aanu ka sii siyaadin halka uu haatan marayo oo ah inuu aad u kala qaybiyay bulshada Somaliland.

Mudane Madaxweyne, marka uu khilaafka noocan ahi ka dhex socdo gudaha Somaliland, waxa dalka aad hoggaamiyaha ka tahay ku xeeran duruufo siyaasadeed oo xoog badan. Tusaale ahaan dawladda Ingiriiska waxa ay muwaadinteeda mar kale uga digtay inay safar ku yimaadaan Somaliland sababo amni dartood, waxaanay dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa tilmaamayaan in digniinta Ingiriisku ka dhalatay isku mashquulka gudaha oo haddii ay sii socota lumin karta ilaalinta danta guud.

Waxa iyana taagan siyaasad ka soo if baxaysa gobalka Geeska Afrika oo aanay hadda saamaynteedu muuqanin balse ifaafalaaheedau u muuqdo dadka indheer garadka ah ee siyaasadda iyo dhaqaalaha rogroga.

Isbedelka ka soo kordhay maamul goboleedka Puntland ayaa isna ah mid ku xisaabtankiisa leh, marka la eego miisaanka xukuumadda uu dhisay madaxweynaha la doortay Mr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Isbedelka Puntland waa mid saamayn toos ah ku yeelanaya Somaliland mustaqbalka dhow, haddii aan laga diyaar garoobin.

Si kastaba ha ahaate; Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa looga baahanyahay inuu qaato doorkiisa hoggaamiyenimo ee qaranka islamarkaana uu xaqiiqda waajaho. Madaxweyne waa inaad ka shaqaysaa sidii aad u midayn lahayd shacabkaaga, waa inaad ka shaqaysaa sidii ay xildhibaanada Baarlamaanku uga shaqayn lahaayeen danta guud, halka ay hadda iyagu isku mashquulsanyihiin. Waa inay xukuumadaadu indhaheeda fiiqan ku eegtaa xaaladaha gobalka ka taagan iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland, halka ay hadda kaga mashqulsantahay golaha wakiilada oo u jira dhawr mitir. Sidii hoggaamiyayaashii talada kaaga horeeyay, mudane Madaxweyne marka ay xaaladu halkan gaadho waxa lagaaga baahanyahay odaytinimo iyo inaad la timaado siyaasad waayeelnimo iyo geesinimo ku dhisan oo aad samayso tanaasul, maadaama oo aad adigu wakhtigan hayso mindida daabkeeda. Haddiise ay xaaladu sidan ku sii socota, maalin kale ayaa  la garan doonaa halka uu Somaliland gaadhsiiyo khilaafaadka noocan ahi.