“Ururo Reero Ahi Xisbiyo Reer Ah Ayuun Bay Keenayan, Waxanse Maanta Ku Kalsoonahay Haddii Uu UDUB Dhaco In Bedelkii Yimid”

0
4141

 

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa ka hadlay cadaawad iyo dagaalo siyaasadeed oo uu ku kasbaday isbedel mug leh oo uu ugu magac daray UDUB la aslay oo uu doonayay in lagu sameeyo xisbiga UDUB.

Cali-Gurey oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad balaadhan oo loogu wanqalay ururka UDHIS ee siyaasiga ah, ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Tobankii sanadood xisbiyadii jiray dhaliilo badan ayaynu u haynay, dhaliilaha aynu u haynay koow waxa ka ahayd  inay yihiin xisbiyo shaqsiyaad leeyihiin ee aan loo wada sinayn, toban sanadood  ayaynu xaaladaas ku soo wada jirnay, markii ururada la furay anigu waxaan ka tirsanahay xisbiga UDUB oo aan afhayeen u ahaa, waxa ii muuqatay in aan nalaga siisanayn sidii xisbiyadu jireen tobankii sanadood ee la soo dhaafay ee hore in aanay maanta naga soconayan ayaa ii muuqatay, waxaan curiyay aragti cusub oo ah UDUB la aslay, laakiin nasiib daro bahashii cadaawad badana waan ku mutay oo nin qaraamaad jiidhay baan noqday rag loo uruuriyay oo waxaan galay bad oo xoolo rag leeyihiin haddaad iska tidhaahdo waar bahalka sidan halaga badalo, aniguna dee nin fudayd ku hadha ma’ihi, waxba yaan indhaha laygu gubin gaabso ma aqaane, waa halkii Hadraawi yidhiye anigu halkaasaan ahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Fikirkii waa layga batay runtii oo haddii Udubku haaryaysto waa la aslaa marka la aslo dabadeedana Udub la asluu noqdaa, fikirkaan u socday iyo danta qudhaan ka lahaa waxa ay ahayd xisbi la wada leeyahay inuu noqdo Udub oo aan reer gaar ahi ku suntanayn halka qudha ee aan islahaa ha ka badbaadana iyo intaan u badbaadinayayna intaasay ahayd oo xataa ururada iigamay muuqan mid qudha oo badali kara UDUB, waayo ururo reero ah xisbiyo reero ah ayuunbay keeni karayaan  ee laakiin waxaan maanta ku kalsoonahay haddii uu Udub dhaco in badalkeedii yimid.”

Cali Gurey, wuxuu sheegay in UDHIS ay afkaaro wadaagaan, waxaanu yidhi  “ Fikirka UDHIS waa fikirkaan anigu qabo, waayo fikirkaygu waxa uu yahay waxaan idhaahdaa waar Moobayladii waxay marayaan 3G waa jiilkii saddexaad, toban sanadoodbaynu bahalkan soo haynay xisbiyadeenii hore jiilkii koowaad buu ahaa shacabkii waxay ina leeyahiin goob noom taani, waar jiilka tobanka tanbe ee soo socdaa hanoqdaan xisbiyada qaranka jiilkoodii labaad, xisbiga doonaya inuu noqda jiilka labaadaw doorashada ka hor isu diyaariya waa inay sidaa Udhis kaa muuqataa dad dano wada leh dadaal xoogleh ka muuqdo,wax wada yeelan kara, sidaas daraadeed anigu odhan maayo Udhis Udub  ee waxaan idin leeyahay xisbiga Udhis soo dhawaada.”