Hay’ad Caalami Ah Oo Khariidada Ku Kala Saartay Somaliland Iyo Somaliya

0
576

Hargeysa(Geeska)-Xarunta caalamiga ah ee Peace and collaborative development Network (PCDN) oo ah xarun caalami ah, ayaa soo bandhigay liiska wadamada ugu nabaada wanaagsan iyo kuwa ugu nabada xun adduunka.

Picture6Xaruntan oo ah xarun dunida aad looga qadariyo lana dhagaysto tallooyinkeeda waxa ay hal hal u tirisay wadamada ugu nabada wanaagsan adduunka oo ay mid walba warbixin kooban oo haddana shilis ka qortay.

Hay’adan ayaa inkastoo aanay soo hadal qaadin magaca Somaliland, haddana waxa ay cadaysay war farxad u ah Somaliland iyo shacabkeeda, kaas oo ah inay khariidada Somaliland ka reebtay khariidada wadanka Somaliya, iyadoo Somaliya dhigtay liiska wadanka 157, waxaana ka nabad xun oo keliya dhawr wadan oo ay Suuriya ku jirto sida ka muuqata warbixinta xaruntan caalamig aah.

Xaruntan ayaa marka ay soo bandhigtay khariidada Somaliya waxay gebi ahaanba ka jartay wadanka Somaliland oo inkastoo aanay si cad u sheegin haddana loo arkayo inaanay Somaliya ka mid ahayn.

Warbixinaha ay xaruntani soo saarto waxa ku go’aan qaata wadamada ugu culus dunida, kuwaas oo warbixinaha amni ee hay’adan ku saleeya safarada madaxdooda iyo maalgashiga ay muwaadiniintoodu dunida ku sameeyaan.