Manhaj Lagu Tababarayo Daryeelayaasha Cafimadka Oo Xaflad Furitaan Loo Qabtay

1
711

Picture2Hargeysa(Geeska)-Hay’adda THET (Tropical Health and Education Trust, ayaa soo bandhigtay manhaj lagu tababari doono daryeelayaasha caafimaadka.

Munaasibad loo sameeyey furitaanka oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxaana ka qayb galay masuuliyiin ka socday wasaarad Caafimaadka iyo daryeelayaasha caafimaad oo ku takhasusay waxa luuqada Ingiriisida lagu yidhaahdo  (Community Health Workers Manuals & Curriculums).

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay THET Ugu horreyn waxa madasha ku soo bandhigay manhajka Khabiirkii ku hawlanaa hir-gelintiisa Gillian Barber, kaasi oo dhawaan hirgelintiisa laga bilaabi doono Somaliland, waxaanu sheegay inuu wax badan ka tari doona kor u qaadida aqoonta adeeggayaasha caafimaadka ee heerarka kala duwan iyo gaadhsiinteeda tuulooyinka fogfog ee Somaliland.

Intaasi ka dib waxa hadal kooban ka jeediyay madasha madaxa Hay’adda THET Wario Galma Guracha, waxaanu mahadnaqay wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo dhammaan ka soo qayb gelayaasha xafladdan iclaaminta ahayd.

Manhajkan waxa diyaarintiisa ka qayb galay daneeyayaasha caafimaadka, iyadoo ay farsamo iyo dhaqaale ahaanba ka taageertay Wasaaradda Caafimaada hay’adda THET, iyada oo maal-gelintana ka helaysa hay’adda waddanka ingiriiska u qaabilsan mucaawinada ee UK AID iyo UNICEF.

Ugu dambayn waxa si rasmi ah u furay xafladda una iclaamiyay hir-galka manhajkaasi Mr. Khadar Maxamuud Axmed oo ah Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland isla markaana ka wakiil ahaa Wasiirka Caafimadka.

Comments are closed.