Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Ansaxiyay Xeerka Booliska Wadanka

4
596

Hargeysa(Geeska)-Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa ansixiyey xeerka booliska Somaliland oo  wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameyeen iyo sida oo kalena dhaqaale ugu taba rucay wadada Ceerigaabo iyo Borco.

Mudanayaasha ayaa u codeeyay in sanadka soo socda ee ay mushaharkiisa xildhibaan kastaba looga jaro boqol doolar.

Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi  waxay mudanayaashu cod gacan taag ah ku ansixiyeen xeerka booliska oo golahaas hor yaalay in mudo ahba.

Fadhiga  golaha wakiilaada Somaliland oo ay ka soo xaadireen 49 xildhibaan waxa xeerka Police-ka u codeeyey 35 mudane waxaana diiday 3 mudane halka ay ka aamuseen 10 mudane, gudoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale shir gudoonka golaha wakiiladu Somaliland ayaa mudanayaasha ku war geliyey in 13 xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiilada ay soo gudbiyeen dalab la xidhiidha in xildhibaan kasta mushaharkiisa laga jaro $100 ay ugu tala galeen dhismaha wada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo  iyada oo xildhibaanada golaha wakiiladuna ay cod u qaadeen isla markaana ay ogolaadeen 33 mudane halka ay diideen 3 mudane waxaana ka aamusay 7 mudane gudoomiyuhun muu codayn.

Sidoo kale mudanayaasha golaha wakiilada waxa loo qaybiyey xeerka Baanka iyada oo xildhibaanadu  ay dood ka yeelan doonaan xeerka maalmaha soo socda.

Comments are closed.