“Waxaan Taageersanahay Xildhibaannadii Xaqsoor Ee Ku Biiray Xisbiga Kulmiye”

0
2501

malowHargeysa (Geeska) – Mubaarik Cabdi Malow, oo ka mid ah Musharixiintii tartanka u galay golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa. Balse ku hadhay doorashadii golaha deegaanka ee sanadkii hore dalka ka dhacday, ayaa taageeray xeerka takaaliifta horumarinta wadooyinka ee dhawaan Mudanayaasha Golaha wakiiladu ansixiyeen.

Mubaarik Cabdi Malow, oo ah Musharixii ugu codka badnaa Musharixiintii urur siyaasadeedka Xaqsoor ee doorashadaasi ku hadhay, ahna sugaha koowaad ee buuxinaya kursiga xildhibaanada Xaqsoor ka soo baxay ay baneeyaan, ayaa sidoo kale waxa uu taageero u muujiyey xildhibaanadii reer Xaqsoor ee ku biiray xisbiga Kulmiye.

Qoraal kooban oo uu Mubaarik Cabdi Malow xalay soo gaadhsiiyey Wargeyska Geeska Afrika, ayuu ku hambalyeeyey xildhibaanadii dhawaan ku biiray xisbiga kulmiye, isagoo sheegay in loo baahan xildhibaanada kale ee hadhayna ay ku kala biiraan saddexda xisbi qaran ee dalka ka jira.

Mubaarig Cabdi Malaw, waxaa kale oo uu sheegay inaanu xukuumadda ka doonayn Mansab, isla-markaana uu yahay ganacsade, haddana uu xukuumadda ku taageerayo xeerka cashuuraha lagu kordhinayo, si wadooyinka loo dhiso.

Mubaarik Cabdi Malaw oo ah ninka hogaaminaya xildhibaanadii hadhay ee Xaqsoor, kuna jira kaalinta koowaad, uguna taageerada badan waxa uu shacbiga Somaliland iyo taageerayaashiisa ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto horumarinta dalka iyo nabadgalyadiisa.

Dhanka kale, Mubaarik wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay dhalinyarada loo sameeyo shaqo abuur, isagoo sidoo kalena hanbalyo u diray ardaydii ka qalin jabisay jaamacadaha kala duwan ee dalka, kuwaasi oo uu xusay in loo baahan yahay in camal loo sameeyo.

Ugu dambayn, Mr Malow waxa uu sheegay inaan dalku haatan qaadi karin muran siyaasadeed ee loo baahan yahay in gacmaha la isku qabsado iyo horumar, waxaanu Madaxwaynaha Somaliland ku hambalyeeyay bixinta derajooyinka.