Cali Warancade Oo Digniin U Diray Waalidiinta Dhashay Carruurta Qaswadayaasha Ah

2
517

Picture3Hargeysa(Geeska)-Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade,ayaa waalidiinta uga u soo jeediyay inay masuuliyada ubadkooda qaadaan hadii kale ay marka ay waajahaan xabsiyo dhaadheer aanay ka murugoon.

Wasiirku waxa uu ka hadlay markii ugu horaysay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hargeysa,isaga oo sheegay inay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglayaashii falkaas gaystay.

Waxa uu wasiirka arimaha gudahu sidan u sheegay uu siiyay tilifishanka HCTV,waxaanu hadalkiisa ku bilaabay“Ninkii ugu danbeeyay dilaalkaas isaga oo ay gabadh wada taagan yahiin meel banaan ah ayay afar inan ku soo baxeen markaas inantii ayay ku damaaciyeen, inankiina waa uu la dagaalamay nimankii  nabaro ayuu isagu u gaystay iyaguna madaxay dhagax kaga dhufteen,halkii baanu ku dhintay isla habeenkii saqdii dhaxaba waanu qabanay dhamaantood waxaanan hor gaynaynaa sharciga.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Kiiska kale inan buu ahaa waxaana mobaylkii ku qabsaday niman iyaguna sidaas ayay ku dhimatay, markii ay ku dagaalantay markaas labada kiis ee ugu darnaa imika kuwaas  ayay ahaayeen.waana rag dhalinyaro ah oo waliba dhanka hablaha hawlaaasi u badiya,waalidiinta waxaan uga digayaa qaar badan waxay yidhaadaan marka caruurtooda la soo qabto misaajid ayay ku maqnaayeen,inamadiinu misaajid kuma maqnee meel kale ayay ku maqan yahiin, waxaanan u soo jeedinayaa inay caruurtooda guryaha ku haystaan haddii kale marka boolisku haleelo ama sharciga la hor geeyo ee xabsiyo dhaadheer lagu xukumo in aanay ka shalayn ee inta ka horaysa ay masuuliyadooda qaadaan.”

Comments are closed.