Mudanayaal Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo Su’aalo Qadiyadda Somaliland Ku Saabsan Ku Boobay Wasiirkooda Khaarajiga Iyo Jawaabaha Uu Ka Bixiyay

0
4036

 

William-Hague-007London, (Geeska)- Wasiirka Arrimaha Dibedda Ingiriiska iyo Hawlaha Barwaaqo-sooranka, Mr, William Hague, ayaa cadeeyey in kulan sannadka danbe la qorsheeyey Somaliland lagu soo casuumi doono, isla markaana uu hore si gaar gaar ah ula kulmay hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Mr, Hague, oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka  aya sheegay inaan xukuumadiisu bedeli doonin siyaasadii xukuumadii ka horeysay ka qabtay aqoonsiga Somaliland, balse kordhiyeen xidhiidhkii iyo iskaashigii Ingiriisku la lahaa Somaliland. Wasiirku, wuxuu sidaas ku sheegay kulan uu Baarlamaanka Ingiriiska ku hortagay Isniintii doraad oo ay mudanayaal Ingiriis ah oo taageera qaddiyadda Somaliland su’aalo kala duwan ku weydiiyeen. Su’aalihii mudanayaasha iyo jawaabihii Wasiirka ee Somaliland ku saabsanaa oo uu Wargeyska Geeska Afrikasoo turjumay waxay u dhaceen sidan:

S: Mike Gapes(Xisbiga labour-ka), Wasiirka Arrimaha Dibedu wuxuu sheegay inuu kulamo kala gaar ah la yeeshay xubno ka socday xukuumada ku-meel-gaadhka ee Soomaaliya, iyo hogaamiyeyaasha Somaliland. Ma cadeyn karaa go’aanka xukuumadeena ee ku saabsan rajada muddo-dhaaftay ee shacabka Somaliland ku doonayaan gaadhitaanka dal madaxbanaan?

William Hague.Waxaan u qaabilay gooni gooni masuuliyiintaa sababo badan awgood, oo ay ka mid tahay in qolo joogtay Itoobiya, halka qolada kale joogeen Kenya. Inkastoo aanu fahmi karno doonista iyo dalabka Somaliland, hogaamiyahooda iyo shacabkoodaba, waxaan sii wadnaa, ilaa maanta, siyaasadii xukuumadii hore ee Ingiriiska oo ahayd inaan xukuumad gaar ah loo aqoonsan. Waxaan qabnaa in muhiimada ugu weyni tahay raadinta sidii mushkilada Soomaaliya gebi ahaan xal loogu heli lahaa. Waa mushkilado isku xidhan, waxaan u baahan nahay  qaadashada siyaasad balaadhan, sidoo kalena hadafkii lagu wiiqi lahaa Al Shabaab, iyo talaabo cad oo lagu waajaho budhcad-badeedka. Taasi waa muhiimadayada koowaad, mana filayo inay quman tahay, xilligan, inaan bedelo siyaasadayada la xidhiidha aqoonsiga Somaliland.

S: Alun Michael(Xisbiga Labour-ka), Waa wanaag in wasiirku ku soo dhowaado mawduuca, ka shaqeyntiisa, iyo hawsha wasaaradiisu ka haysaba. Ma qabaa in Somaliland mutaysatay ku amaanida qaabka keligood ay ku dhisteen nidaam iyo maamul dimoqraadi ah, iyo siday wax uga geysteen dhibaatooyinkii dhowaanahan ka taagnaa Koonfurta? Sidoo kale , ma aaminsan yahay sidii labadaa qolo ee jaarka ah qol u wadaagi lahaayeen, iyadoo si weyn loogu xisaabtamayo waxqabsiga dimoqraadiga ee Somaliland, halkii keliya loo jeedin lahaa inaanay qeyb ku yeelan Karin wada xaajood kasta?

William Hague.Haa, si weyn ayaan u aaminsanahay fikirkaa. Waxaan qabaa in taa horumar weyn lagu gaadhi karo. Waxaanu kordhinay xidhiidhkii iyo iskaashigii aanu Somaliland la lahayn, isla markaana kulankii aan hogaamiyeyaashooda kula yeeshay Addis ababa taa ayuu qeyb ka ahaa. Waxaan sii wadi doonaa ku dhiirinta qof walba inuu u dhaqaaqo sidii qaab wadaag ah loogu waajahi lahaa, sida xildhibaanadu ku taliyeen.

S: Tony Baldry(Xisbiga Conservative-ka), Waan amaanayaa in saaxiibadayda xildhibaanada, Raysal wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha dibedu diyaarinayaan wada hadalo sannadka danbe, laakiin, saaxiibkay, ma cadeyn karaa in xubnaha wefdiga Somaliland ee Hargeysa ka imanaya magaca dawladnimadooda lagu martiqaadayo? Waxaan filayaa, hadii kale hogaamiyeyaasha Somaliland waxay dareemayaan inay xaga danbe yihiin, isla markaana indhahu qabanayaan keliya xukuumada ku-meel gaadhka ee Muqdisho?

William Hague. Waa lagu casuumay, sida xilligan uu ii xaqiijiyey wasiirka qaabilsan Afrika, saaxiibkay, xildhibaan Mr Bellingham, imaatinkooduna muhiimad weyn ayuu leeyahay. Waxaan ku yaboohnay dhaqaale gaadhaya   £128 million gargaarkii abaaraha ee Soomaaliya ilaa July, iyo sidoo kale £4 million aanu sannadkan ku caawinay hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Xukuumada Ingiriiku waxtar weyn ayey ka qaadataa sidii xaaladaha halkaa loo hagaajin lahaa.