Fanaaniinta Muqdisho Oo Hees Cusub Ugu Quus Gooyay Walaalaha Ilma Ismaciil Samatar

0
635

 

Muqdisho(Geeska)-Kooxda fanaaniinta ah ee la yidhaahdoAhmed-and-Abdi Muqdisho Band oo ka dhisan magaalada Muqdisho, ayaa soo saaray hees cusub oo ay ugu quus gooyeen labada aqoonyahan ee walaalaha ah ee Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cabdi Ismaaciil Samatar.

 

Heestaas oo loo bixiyay Ismaqiiq iyo Masayr, ayaa waxa ay kooxdu ku ladhay miyuusig iyo cod wada jir ah, waxaana la sheegay inay ka turjumayso dareenka bulshada reer Muqdisho oo u arka labada aqoonyahan inay markasta ka xunyihiin horumar iyo nabad ka aslaaxda Muqdisho iyo inay rajo beel la doonayaan dadka reer Banaadir ee dalkaas Somaliya. Ereyada heestan waxa ka mid ah

Marinkaad Ku Socotiyo

Hadduu Maanku Kaa Lumo

Maskaxdiyo aqoontiyo

Garashada Muhiimkaa

Rabi Kaa Malaasoo

Isha Mooyaheediyo

Maqalkiyo Aragtida

Dabool Kaaga Madhanyahay

Ilayn Maydhaxbaad Garas

Ka Maroojisaayoo

Tallo Kama Macaashtide

Murankan ku daashaday

Haddaan Maaro loo helin

Iska Daa maq-maqiiqiyo

Masayrkiyo Hinaasaha

Laga saarin maankoo

Ilayn Muusanowgiyo

Murugada xanuunka leh

Marna kama bogsootide.

Heestan oo laga dhigay muuqaal Fiidyoow ah, waxa lagu duubay labada sawir ee Axmed iyo Cabdi iyo weliba muuqaal sawir kartoon ah oo uu dhawaan farshaxamiistaha caanka ah ee Aamin Caamir ka sameeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar. Labada aqoonyahan ee Ilma Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse si adag uga soo horjeeda madaxbanaanideeda, ayaa waxa ay hore ugu faani jireen inay aragtidooda ka dhanka ah Somaliland taageero kaga heleen reer Muqdisho, laakiin heestan ayaa ah mid ay bulshada Muqdisho ugu quus goysay. Waxaanay heestu ku eedaynaysaa inay markasta la soo taaganyihiin doodo iyo aragti madhalays ah. Heestan oo maalmihii u dambeeyay si weyn u soo caan baxday ayaa lagu baahiyay baraha Internetka ee ay bulshada Muqdisho gadhwadeenka ka tahay.