Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Isugu Jira Oo Ka Dhashay Dagaal Shalay Dhex Maray Milatariga Iyo Booliska Degmada Yagoori

0
678

 

Hargeysa(Geeska)-Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay isku dhac shalay dhex maray ciidamada Booliska iyo Milatariga ee degmada Yagoori ee gobalka Sool.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada Booliska ayaa geeriyooday ka dib markii uu askari kale oo ciidamada qaranka ka tirsani xabad ku dhuftay, waxaana dhaawac ah askarigan xabadda ku dhuftay oo la sheegay inay isna xaaladiisu culustahay. Waxa kale oo geeriyooday Askari isna ka tirsan milatariga ka dib markii uu dhacay baabuur uu la socday oo ahaa baabuur ciidan oo gurmad ah. Labada taliye ciidan ee qaranka iyo Booliska Md. Nuux Ismaaciil Taani iyo Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa xalay shirjaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxaanay kaga hadleen xaaladaas. Ugu horayn Nuux Taani oo arrintaas ka hadlayaa wuxuu yidhi “Maanta [shalay] shil yar ayaa ka dhacay meesha la yidhaahdo Yagoori  xalay [habeen hore] ayay laba askari hawl yar isugu yimaadeen arin dhaqanka ah way kuwada jaafa jirqeen, saaka [shalay] ayaa la damcay in arintii la soo xaliyo intii arintii lagu gudo jiray ayaa shil  dhacay, laba askari oo askarta kamida ayaa rasaas isku riday oo midna Booliska  yahay midna Ciidanka Qaranka yahay.”

Wuxuu intaas raaciyay “ Arintii waxay sababtay in askarigii Boolisku dhinto, kii kale ee Ciidanka qarankana ay xabadi ku dhacday isagana oo ay madax fadhido ayaa ay sababtay, intaas weeye inta horta Yagoori ka dhacday askarigii Booliska ahaana waa uu dhintay kii ciidanka qaranka ahaana xabadu madaxay fadhidaa oo waxa la soo gaadhsiiyay cisbitaalka Burco, waxa kale oo intaas noo raaca dad baa ka soo gurmaday Lasacaanood markii la noqonayay gaadhi ciidanku leeyahay oo askari saarnayd oo inta badan eheliyada ninka dhintay ee booliska ahaa ayaa gadoomay halkaana ninbaa ku dhintay dhawr nin oo dhaawacana,  Burco ayaa la keenay ilaa 7 dhaawaca shilka dhacayna intaas ayuu ahaa.  Waxanan shilkan jaraa’id idiinku qabanay waxa weeye dadku iyagoon waxba hubsan ayay uurxumo tashiil sameeyaan, in waxii xaqiiqa ee jira laydiin sheego, waxa laga yaabaa inaad maanta war kale haystaan adinku oo kaa ka duwan lakiin xaqiiqdu waa taa.”

Isagoo ka hadlaya talaabada ay dawladu qaadayso wuxuu yidhi “ Talaabada ay dawladu ka qaadayna waxa weeyaan ninkii la sheegay inuu ninkaa dilay  kan dhaawacaa maahee ninkale ayaa la sheegay inuu ninka dilay inay run tahay in kalena alle ayaa og  lakiin ninkii waan u soo gudbinay jeelka, nin ay yidhaahdeen ninkaasu ma diline kaasa dilay, kuwo kalana waanu soo xidhnay, waxaana uu amar madaxweynuhu uu ku bixiyay inay maxkamada ciidamdu ay tagto halkaas oo si dag daga waxii arintaas ku lug yeesha oo dhan talaabo sharciya looga qaado.”

Taliyaha ciidanka Booliska, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xaaladu degentahay isagoo iska horimaadka dhacayna ku tilmaamay nasiib darro, waxaanu intaas raaciyay inay ciidamada Boolisku baadhayaan sida ay wax u dhaceen.